Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Germany vs Denmark – Danish-ka oo doonaya inay bug-baxa EURO markale ku garaacaan Jarmalka.

Xulka Denmarka ayaa rajeynaya inuu dib u soo celiyo mid ka mid ah guulihiisii ugu caansanaa ee taariikhdiisa marka ay wareegga 16-ka EURO 2024 ku wajahayaan dalka marti-gelinaya tartanka sanadkan ee Germany.

Denmark ayaa 2-0 uga adkaaday Jarmalka sanadkii 1992-kii si ay markii ugu horreysay ugu guuleystaan ​​​​koobka qaramada Yurub.

Labadaan xul ayaan ilaa hadda laga badinin tartanka, laakiin difaaca xulka Denmark ee Jannik Vestergaard ayaa kalsooni ku qaba in isaga iyo saaxiibbadiis aysan kaliya awoodin inay garaacaan Jarmalka, laakiin ay suurtogal tahay inay soo celiyaan guulihii ay gaareen 32 sano ka hor.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Germany vs Denmark.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 29 June 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Signal Iduna Park.

Garsooraha ciyaarta: Michael Oliver (England).

Wararka labada kooxood:-

Danmark ayaa laga yaabaa inay kulankan weyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Christian Eriksen kaddib markii Jimcihii uu ka fariistay tababarka xanuun caloosha ah awgeed, halka Morten Hjulmand oo gool ka dhaliyay England heerka group-yada uu ganaax ku maqan yahay.

Daafaca xulka qaranka Germany ee Antonio Rudiger ayaa shaki la galinayaa kulankan kaddib markii uu kaliya ku soo laabtay tababarka Jimcihii dhaawac muruqa ah oo soo gaaray awgiis.

Daafaca dhexe ee xulka Germany ee Jonathan Tah ayaa ganaax ku maqan, sidaa darteed Nico Schlotterbeck ayaa lagu wadaa inuu ku soo bilowdo safka hore.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kani waxa uu noqon doona kulankii shanaad ee xulalka Germany iyo Denmark ku dhexmara tartan weyn (Koobka Adduunka/Euro), iyadoo labada xulba ay badiyeen min labo jeer afartii kulan ee hore. Ciyaartii hore ee wareegga bug-baxa ee labada xul ayaa ahayd final-kii Euro 1992-kii, markaas oo xulka Denmark ay 2-0 ku adkaadeen.

-> Saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyay ee dhexmaray Germany iyo Denmark tartammada oo dhan ayaa barbaro ku dhammaaday, halka kulanka kale ay Germany 2-1 ku badiyay tartankii Euro 2012, waana barbardhac ka badan 24-kii kulan ee ugu horreeyay ee ay labada xul iska horyimaadaan markaas ka hor oo ay galeen labo barbaro.

-> Danmark ayaa laga badiyay dhammaan shantii kulan ee hore ee koobka qaramada Yurub oo ay la ciyaartay wadamada markaas marti galinaya tartanka oo uu ku jiro mid ay la dheeleen Germany 1988-dii heerka group-yada.

-> Xulka qaranka Germany ayaa markii shanaad oo xiriir ah u soo baxay wareegga 16-ka Euro, labadii kulan ee ugu dambeeyay ee heerka bug-baxa ayaa labaduba ku dhammaaday 2-0 guuldarro ah, waxa ay kala kulmeen France semi-finalka Euro 2016 iyo England wareegga 16-ka Euro 2020.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button