WARARKA MAANTA

Horudhac: Italy & Switzerland wargga 16-ka Euro 2024..?

Xulka difaacanaya koobka Euro 2024 ee Italy ayaa wajihi doona dhiggooda Switzerland wareegga 16-ka iyagoo uga mahadcelinaya Mattia Zaccagni oo daqiiqadii 98-aad u dhalliyay goolka barbaraha kulankii ugu dambeeyay ee Group-kooda ay la ciyaareen xulka Croatia.

Switzerland ayaa markii saddexaad oo xiriir ah u soo baxday wareegga 16-ka ee koobka Qaramada Yurub, lagama adkaanin illaa iyo haatan labo bar-baro iyo hal  guul ah ayay kaga soo baxeen guruubkooda, tababare Murat Yakin ayaa dareensan  in Talyaanigu yahay xul awood badan.

Talyaaniga waxa uu heystaa ciyaaryahano waaweyn, marka waxa ay noqon doontaa caqabad weyn, ayuu yiri macalinka xulka Switzerland.

Warka labada xul:

Daafaca Switzerland Silvan Widmer ayaa ganaax ku seegayo kulankan kaddib markii uu qaatay laba jaale.

Weeraryahanka Switzerland  Ruben Vargas ayaa laga yaabaa inuu ku soo laabto xulkiisa kaddib markii uu ku soo bilowday labadii kulan ee ugu horreysay Euro 2024.

Dhanka kale Daafaca garabka ka ciyaara ee Italy, Federico Dimarco ayaa dhaawac kubka ah ku seegayo kulankan halka daafaca dhexe Riccardo Calafioriuu ganaax kaga maqnaan doono Italy kaddib markii uu qaatay labo jaale labadii kulan ee ugu dambeysay.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Kulankan ayaa noqon doona kulankii shanaad ee Switzerland iyo Italy ay ku kulmaan tartan caalami ah, Switzerland waxay adkaadeen labadii ciyaarood ee koobkii Adduunka 1954 (2-1 wareegga guruubyada iyo 4-1 isreeb-reebkii koobkii Adduunka 1954) laakiin Talyaaniga ayaa ku adkaaday min 3-0 labadii kulan ee ugu dambeeyay koobkii Adduunka 1962 iyo Euro 2020.

Tan iyo markii ay 1-0 ay ku garaaceen Italy isreeb-reebka Koobka Adduunka ee May 1993, Switzerland wax guul ah kama gaarin Italy 11 kulan oo ay la ciyaareen tartamada oo dhan ( waxay la kulmeyn  shan guuldarro ah iyo lix barbaro ah ).

Switzerland ayaa gaartay wareega Bug-baxa mid kasta oo ka mid ah lixdii tartan ee ugu dambeeyay tartamada caalamiga ah (koob qaramada yurub/Koobka Adduunka) laga soo bilaabo koobkii Adduunka 2014, dalka kaliya ee Yurub kaga wanaagsan waa Faransiiska oo toddobo jeer oo isku xigta u soo baxay wareegga 16-ka tartamada (koobka qaramada yurub/Koobka Adduunka).

15 ka mid ah 26-kii kulan ee ugu dambeeyay ee Italy ciyaartay wareegga Bug-baxa ee tartamada caalamiga ah ayaa la aadayay waqtiga dheeriga ah, oo ay ku jiraan afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyay.

Guud ahaan, Talyaaniga ayaa u gudbay waqti dheeriga ah marka loo eego xulalka kale Koobka Adduunka iyo koobka qaramada Yurub 21 jeer, waxayna tirada ugu badan kala siman yihiin xulka Spain oo 11 mar gaartay rigoore tuurista ciyaarta.

Ogeysiiska ciyaarta:

Taariikhda ciyaarta Sabti  29-ka Juun 2024

Garsooraha kulanka waa Szymon Marciniak oo dhashay (Poland)

Garoonka lagu ciyaarayo waa (Olympiastadion)

Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button