Horudhac: England & Slovakia wargga 16-ka Euro 2024..?
Xulka qaranka England ayaa caawa la ciyaari doono xulka Slovakia kulan ka tirsan wareegga 16-ka ee Euro 2024.
England ayaa ka soo baxday Group C kaliya labo gool ayey dhalliyeen seddex kulan ay ciyaareen, haddii ay caawa guul ka gaaraan Slovakia waxay u soo bixi doonaan wareegga 8-da iyagoo ku beegmayo xulka Switzerland, tabaraha xulka England Southgate ayaa sheegay in xulkiisa aysan wax cabsi ah ka qabin ciyaarta caawa.
Wararka labada xul:
Phil Foden ayaa dib ugu soo laabtay England kaddib markii uu ka soo laabtay gurigiisa usbuucan si uu uga qayb-galo dhalashada cunugiisa.
Daafaca bidix ee England Luke Shaw ayaa ku jiro ka soo kabashada dhaawac muruqa ah oo uu muddo dheer ku maqnaa laakiin diyaar uma aha inuu ku soo bilowdo kulankan, halka khadka dhexe ee Manchester United Kobbie Mainoo laga yaabo inuu qayb ka noqdo khadka dhexe kaddib markii uu beddel ku soo galay qeybtii nasashada kulankii Slovenia.
Dhanka kale xulka Slovakia ayaan qabin wax dhaawac ah waxayna haystaan saf dhammaystiran kulanka caawa ay wajahayaan xulka England.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:
England ayaa adkaatay shan ka mid ah lixdii kulan ay wajahday Slovakia kaliya waxaa ka soo gaartay hal guuldarro Euro 2016-kii oo ay isku arkeen tartan weyn.
Slovakia ayaa dhallisay goolka ugu horreeyay seddex ka mid ah lixdii kulan ay wajahday England laakiin waa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah kulamadaasi oo ku soo dhammaaday 2-1.
Kulankaan waa kulankii seddexaad ee England ciyaarayaan wareegga 16-ka Euro, iyagoo 2-1 kaga adkaaday Iceland sanadkii 2016 waxayna 2-0 ku garaaceen Jarmalka sanadkii 2020.
Xulka Slovakia ayaa ka soo muuqan doono wareegga bug-baxa tartan caalami ah, labadii jeer ee hore ayaa lagu reebay wareegga 16-ka, waxaana 2-1 kaga badiyay Netherland koobkii Adduunka sanadkii 2010 iyo 3-0 oo ay Germany ku garaacday Euro 2016.
Labadii tartan ee ugu dambeeyay ee koobka qaramada Yurub, England ayaa shabaqeeda illaashatay in ka badan xulalka kale (7 ka mid ah 10-kii kulan ay ciyaareen ).
Dhammaan toddobada kulan ee shabaqooda ay ilaashadeen waxaa goosha ku jiray Jordan Pickford kaliya waxaa tiro intaa ka badan shabaqooda illaashaday goolhayeyaasha kala ah Iker Casillas (9 jeer illaashaday ), iyo goolahayaha Netherland Edwin van der Sar oo 8 jeer shabaqiisa illaashaday iyo Italy Gianluigi Buffon oo 8 jeer shabaqiisa illaashaday tartanka qaramada Yurub.
Harry Kane ayaa dhaliyay lix gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee wareegga bug baxa tartamada waaweyn ee England ( labo ka mid ah wuxuu dhalliyay koobkii Adduunka 2022, afar ka mid ah wuxuu dhalliyay Euro 2020).
Safka macquulka ah ay ku soo bilaaban karo xulka England:
Pickford; Walker, Stones, Guehi, Trippier; Mainoo, Rice; Saka, Bellingham, Foden; Kane
Safka macquulka ah ay ku soo bilaaban karo xulka Slovakia:
Dubravka; Pekarik, Vavro, Skriniar, Hancko; Kucka, Lobotka, Duda; Schranz, Bozenik, Haraslin
Ogeysiiska ciyaarta:
Taariikhda ciyaarta Isniin 30-ka Juun 2024
Garsooraha kulanka waa Halil Meler oo dhashay (England)
Garoonka lagu ciyaarayo waa (VELTINS-Arena)
Waqtiga 7:00 Pm fiidnimo xilliga magaalada Muqdisho.
Astaan Sports