Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Spain vs Georgia – La Roja oo rajeynaysa inay sii wadan doonto guulaheed xiriir ah.

Xiddigaha da’da yar ee xulka qaranka Spain, Lamine Yamal iyo Nico Williams ayaa bandhig cajiib ah sameynaya, balse Macallinka qaranka Georgia ee Willy Sagnol ayaa doonaya in 16-ka EURO 2024 ay ku reebaan Spain.

Yamal oo 16 sano jir ah iyo Williams oo 21 jir ah waxay ahaayeen labo ka mid ah weeraryahannada bandhigga ilqabadka leh ku soo bandhigaya tartanka ka socda dalka Jarmalka, waxaana la filayaa inay caawa wajahaan dhiggooda Georgia kulankan ku tirsan wareegga 16-ka koobka qaramada Yurub.

Waxay u noqon doontaa dhacdo gaar ah marka ay Georgia la ciyaaraan xulka Spain oo saddex jeer ku guuleysatay koobka Yurub, sidaas oo ay tahay Tababare Sagnol ma doonayo in xulkiisa uu ka cabsado kuwa ka soo horjeeda.

Iyagoo aan ilaa hadda wax gool ah laga soo dhalin saddex guulood oo xiriir ah oo ay soo gaareen tartankan, xulka qaranka Spain ayaa loo arkaa inay ugu cad-cad yihiin kulanka ay caawa la leeyihiin Georgia.

Labada xul ayaa sidoo kale ku kulmay isreeb-reebka Euro 2024, iyadoo Spain ay labadii kulanba ku badisay wadar ahaan goolal gaaraya 10-2 (7-1 iyadoo marti ah iyo 3-1 iyagoo gurigooda jooga).

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Spain vs Georgia.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 30 June 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: RheinEnergieSTADION.

Garsooraha ciyaarta: Francois Letexier (France)

Wararka labada kooxood:-

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona, Pedri iyo Weeraryahanka Athletic Bilbao ee Williams ayay u badan tahay inay ku soo laaban doonaan safka hore ee Spain kaddib markii ay seegeen kulankii 1-0 kaga badiyeen Albania.

Yamal ayaa beddel ku soo galay ciyaartaas, waxaana la filayaa inuu ku soo bilowdo kulanka caawa ee Georgia.

Ma jiraan dhaawacyo cusub oo ay la dhibtoonayaan labada dhinac ee caawa wada ciyaaraya.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Guushii Spain ay 7-1 ku badisay isreeb-reebka Euro 2024 ayaa ahayd markii kaliya ee Georgia laga dhaliyay todobo gool kulan caalami ah.

-> Hal guul oo ay Georgia gaartay todobadii kulan ee ay wajahday Spain ayaa timid bishii June ee 2016 ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Getafe, iyadoo Tornike Okriashvili uu dhaliyay gool qura oo ay guusha ku qaateen.

-> Xulka Spain ayaa ku haray wareegga 16-ka saddex ka mid ah afartii tartan ee waa weynaa ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen.

-> Xulka Georgia ayaa u soo baxay wareegga bug-baxa ama knockout tartankii ugu horreeyay ee caalami ah.

-> Georges Mikautadze oo dhaliyay 3 gool, isla markaana caawiyey 1 gool ayaa ku lug yeeshay dhammaan afarta gool ee xulka Georgia uu la yimid tartanka Euro 2024.

-> Goolhayaha xulka Georgia ee Giorgi Mamardashvili ayaa badbaadiyay 16 ka mid ah 17-kii darbo/shuud ee ugu dambeeyay ee la la beegsaday tartankan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button