Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: France vs Belgium – Yaa caawa u gudbi doona siddeed dhammaadka?

Kabtanka xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu ku ciyaarista maaskarada u arko wax laga naxo, isagoo isku diyaarinaya inuu hoggaamiyo xulkiisa kulanka caawa ee wareega 16-ka koobka qaramada Yurub ay la leeyihiin dhiggooda Belgium.

25 sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa sanka ka jabay kulankii ay xulkiisu 1-0 kaga badisay Austria kulankoodii furitaanka tartanka.

Waxa uu seegay kulankii ay barbaraha goolal la’aanta ah la galeen Netherlands, laakiin wuxuu soo laabtay oo gool dhaliyay kulankii xigay ee France ay barbaro 1-1 ah la gashay Poland.

Mbappe ayaa ciyaartaas soo xirtay Maaskaro jugta ka difaacda sanka, balse waxa uu sheegay inay dhib ku noqotay oo uusan xasilooni iyo degaan ku dareemeynin.

Mbappe goolkii uu ka dhaliyey Poland waxa uu ahaa rigoore ama gool ku laad, taasoo la micno ah in xulka qaranka France uusan weli wax gool furan ah ka dhalin tartanka koobka qaramada Yurub 2024 ilaa iyo hadda.

Labadaan xul ayaa ku kulmay semi-finalka ama afar dhammaadkii Koobkii Adduunka ee 2018, iyadoo xulka koobkaas ku guuleystay ee France uu jid mar ka sii dhigtay Belgium-ka oo uu uga adkaaday 1-0.

Si la mid ah France, xulka Belgium ayaa ku dhammeystay kaalinta labaad ee guruubkooda, iyagoo barbar dhac 0-0 ah la galay Ukraine si ay u xaqiijiyaan soo bixitaankooda.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka France vs Belgium.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 01 July 2024.

Saacadda: 07:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Merkur Spiel-Arena.

Garsooraha ciyaarta: Glenn Nyberg (Sweden).

Wararka labada kooxood:-

Mbappe ayay u badan tahay inuu markale ku soo bilowdo safka hore kaddib markii uu ciyaaray 90-kii daqiiqo ee ciyaarta oo uu gool ka dhaliyay Poland isagoo xiran Maaskaro.

Antoine Griezmann ayaa kursiga keydka ku soo bilowday kulankaas, waxaana laga yaabaa in Deschamps uu isku dayo inuu dib ugu soo celiyo caawa safka koowaad.

Dodi Lukebakio ayaa ka soo laabtay ganaax uu kaga maqnaa xulka Belgium.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kulankan ayaa noqon doona kulankii 76-aad ee dhexmara xulalka France iyo Belgium. Belgium waa xulka ugu badan ee France ka hor yimaada, iyagoo wajahay ku dhowaad ​​laba jibaar ka badan inta ay wajaheen xulalka kale (39 kulan ayey la yeesheen midkiba Italy iyo Switzerland). Dhanka kale, xulka Belgium oo kaliya wajahay Netherlands 129 jeer ayaa kaliya ka badan marka la eego inta uu ka hortagay Faransiiska.

-> Xulka France ayaa badiyay dhammaan afartii kulan ee hore ay ula ciyaareen Belgium tartamada waa weyn (Koobka Adduunka iyo Euro), iyagoo dhaliyay 13 gool, waxaana laga dhaliyay saddex gool kaliya. Kulankii kaliya ee ay hore ugu kulmeen Euro waxa uu ahaa 40 sano ka hor, 1984 – France ayaana 5-0 ku adkaatay kulankaasoo qeyb ka ahaa wareegga group-yada, waxaana saddexleey dhaliyay Michel Platini, halka goolasha kale ay ka kala heleen Alain Giresse iyo Luis Fernandez.

-> France ayaa labo gool oo kaliya ka dhaliyay Euro 2024 heerka guruubyada, waana goolashii ugu yaraa ee ay ka dhaliyaan tartammada waa weyn heerka guruubyada tan iyo koobkii adduunka 2010 oo ah hal gool dhaliyeen. Labada gool ayaa mid waxaa iska dhaliyay Max Wober oo ka tirsan Austria, halka kan kale uu ahaa rigoore uu saxiixay Mbappe.

-> Belgium ayaa u soo gudbay wareegga 16-ka ee Euro markoodii saddexaad oo xiriir ah, iyagoo gaaray afar dhamaadka Euro 2016 iyo 2020. Belgium ayaa badisay afartii kulan ee ugu dambeysay wareegga 16-ka ee tartamada waaweyn (Koobka Adduunka / Euro) tan iyo markii ay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Brazil koobkii adduunka ee 2002.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button