Horudhac: Purtugal & Slovenia wargga 16-ka Euro 2024..?
Xulka Slovenia oo markii ugu horreysay u soo baxay wareegga 16-ka koobka qaramada yurub ayaa wajahayo dhiggooda Purtugal.
Laacibka khadka dhexe ee Adam Gnezda Cerin ayaa sheegay in Slovenia aysan ku qanacsanayn kaliya u soo bixitaanka wareegga 16-ka ee Euro 2024, waxuuna intaa kudaray iney rajeynayaan iney garaacaan xulka Portugal caawa.
Bar-baro goolal la’aan ah oo ay la galeen England kulankoodii ugu dambeeyay ee Group C ayaa ka caawiyay Slovenia in ay ka mid noqoto afarta kooxood ee ugu fiican kaalinta saddexaad, waa markii ugu horreysay oo ay gaaraan wareega knockout tartan weyn xulka Slovenia.
Slovenia, oo ka soo muuqatay koobkoodii labaad ee Yurub, ayaa barbardhac gashay seddexdii kulan ay ciyaareen heerka guruubka.
Portugal ayaa ka soo baxay Group F inkastoo ay guuldarro 2-0 ah kala kulmeen Georgia kulankoodii ugu dambeeyay ee Group-kooda.
Warka labada xul:
Tababaraha Portugal Roberto Martinez ayaa is beddel ku sameyn doono shaxdii ka hortagtay kulankii Georgia.
Bernardo Silva, Joao Cancelo iyo Ruben Dias ayaa la filayaa inay ku soo laabtaan Portugal safka koowaad sidoo kale Rafael Leao oo ganaax ku seegay kulankii Georgia ayaa ku soo laaban doono xulkiisa
Ma jiraan dhaawacyo cusub oo labada dhinac ah.
Xaqiiqooyinka ciyaarta:
Portugal ayaa ka soo baxday heerka guruubyada dhammaan sagaalkii jeer ee ugu dambeysay ay ka soo qayb-galaan koobka qaramada yurub
Slovenia iyo Denmark ayaa noqday xulalkii labaad iyo saddexaad ee dhammaan saddexdii ciyaarood ee heerka guruubyada barbaro soo galay koobka qaramada Yurub, xulkii i ugu horreeyay ee sidaasi samayay wuxuu Portugal tartankii Euro 2016 waxayna ku guuleysteen tartanka.
Slovenia ayaa 2-0 ku badisay markii labada dhinac ay ku kulmeen ciyaar saaxiibtinimo bishii March, taasoo soo afjartay 11 guul oo xiriir oo Portugal ka gaartay.
Cristiano Ronaldo ayaa gool la’aan baxay ah todobadii kulan ee ugu dambeysay tartamada waaweyn uu u saftay xulkiisa Portugal, inkastoo uu isku dayay 19 laad intii lagu jiray tartankan waa abaartii ugu dheereed ee soo marta Ronaldo.
Portugal waxay gaareen ugu yaraan afar dhammaadka shan ka mid ah lixdii jeer tartanka qaramada Yurub ee ugu dambeysay, oo ay ku jirto ku guuleysiga tartanka sanadkii 2016.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Kulanka: Xulalka Portugal vs Slovenia,
Tartanka: EURO 2024.
Taariikhda: 01 July 2024.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Garoonka: (Deutsche Bank Park).
Garsooraha ciyaarta: Daniele Orsato (Italy)