WARARKA MAANTA

Horudhac: Austria & Turkey wargga 16-ka Euro 2024..?

Tababaraha xulka qaranka Austria Ralf Rangnick ayaa sheegay in xulkiisa awood u leeyahay iney ku guulaysataan Euro 2024.

Tababarihii hore ee Manchester United ayaa wax weyn ka beddelay xulka Austria tan iyo markii uu xilka macalinimo qabtay laba sano ka hor.

Austria ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxday guruubkooda iyadoo ay ku jiraan xulalka France iyo Netherland oo u soo baxay wareegga 16-ka tartanka Euro 2024.

Waxay doonayaan iney u soo baxaan wareegga 8-da ee koobka qaramada yurub laakiin waa iney guul ka gaaraan wareegga 16-ka xulka Turkey oo ay caawa la ciyaari doonaan.

Tababaraha Turkiga Vincenzo Montella ayaa sheegay in xulkiisa ay wajahayaan imtixaan adag kulanka caawa, xulka Austria ayaa 6-1 ku xasuuqay Turkiga markii ay labada dhinac ku kulmeen ciyaar saaxiibtinimo bishii March ee sanadkan.

Wararka labada xul:

Ciyaaryahanka reer Austria ee Kevin Wimmer ayaa ku seegi doona ciyaartan ganaax halka la heli karo Phillipp Mwene kaas oo ka soo kabtay xanuun dhawaan haleelay laakiin Gernot Trauner  ayaa qarka u saaran inuu ku seego ciyaartan dhaawac bowdada.

Turkey waxaa ganaax kaga maqan kabtankooda Hakan Calhanoglu iyo daafaca dhexe Samet Akaydin, laakiin waxaa dib ugu soo laaban doono daafaca Abdulkerim Bardakci kaas hal kulan ganaax kaga maqnaaa xulkiisa.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Waa kulankii 18-aad ay kulmaan Austria iyo Turkiga balse waa markii ugu horreysay oo ay isaga horyimaadaan tartan weyn, labada xul waxay kulmeen markii ugu horreysay muddo sideed sano ah kaddib bishii March ee sanadkan waxaana Austria ay ku adkaatay 6-1 inkastoo ay ahayd ciyaar saaxibtinimo.

Guushii ugu dambeysay ee Austria ay gaarto wareegga bug-baxa tartan weyn waxay ahayd 3-1 ay kaga adkaadeen xulka Uruguay koobkii Adduunka 1954kii, sidoo kale waxay badiyeen kulan wareegga labaad ah oo ay la ciyaareen Germany koobkii Aduunka 1978.

Tababare Ralf Rangnick ayaa boqolkiiba 60% guulo gaarsiiyay xulkiisa iyadoo 15 ka mid ah uu guul gaarsiiyay 25 kulan uu hogaaminayay Austria, kaliya xulalka Portugal, Spain iyo Netherland ayaa ah xulalka kaliya ee Yurub ee guulo badan gaaray tan iyo markii Rangnick uu la wareegay xilka macalinimo bishii June 2022.

Dalka Turkiga ayaa markii saddexaad ka soo baxay heerka guruubyada koobka qaramada Yurub, markii ugu dambeysay ay ka soo muuqdaan wareegga 16-ka waxa ay aheyd 2008 markaasoo ay gaareen semi-finalka ka hor inta aysan garaacin Germany.

Turkey ayaan wax guul ah gaarin afartii kulan ee ugu danbeeyay ay ciyaareen tartan rasmi ah  (3 bar-baro iyo 1 guuldaro ah) iyadoo uu ka maqan yahay kabtankooda Hakan Calhanolgu kaas oo ganaax ku seegaya ciyaarta caawa.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Austria vs Turkey,

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 02 July 2024.

Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka:  (Red Bull Arena Leipzig).

Garsooraha ciyaarta: Artur Dias (Portugal)

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button