Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: England vs Switzerland – Saddexda Libaax oo noqon kara Xulkii lixaad ee Yurub…

Xulka qaranka England ayaa siddeed dhammaadka koobka qarammada Yurub caawa fiidkii ku wajahaya dhiggooda Switzerland, iyadoo dal waliba uu doonayo inuu gaaro afar dhammaadka tartankan.

Xulka lagu naynaaso Saddexda Libaax ayaa laga yaabaa inay saddex difaac ah ku wajahaan Switzerland, waayo waa shaxdii ay ku ciyaarayeen inta ugu badan tartankan.

Kulanka ayaa noqon doono midkii 100-aad ee tababare Southgate uu hoggaamiyo England.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka England vs Switzerland.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 06 July 2024.

Saacadda: 07:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Merkur Spiel-Arena.

Garsooraha ciyaarta: Daniele Orsato (Italy).

Wararka labada kooxood:-

Marka laga reebo Guehi oo ganaaxan, xulka England ayaa waxaa diyaar u ah oo uu heli karaa kulankan 26 ciyaaryahan oo uu ku jiro Shaw oo taam u ah in lagu soo bilaabo safka hore, sida uu Southgate Saxaafadda u sheegay Jimcihii shalay.

Tababaraha Xulka Switzerland ee Yakin ayaa xaqiijiyay in kubbadsameeyahooda muhiimka ah ee Granit Xhaka inuu taam u yahay inuu Dusselolorf ku wajaho England , inkastoo ay jirto inuu dhibaato sheeganayay.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kulankani waxa uu noqon doonaa midkii afaraad oo ay isku arkaan England iyo Switzerland tartan weyn & midkii saddexaad oo ay isku arki doonaan koobka qaramada Yurub. England ayaa 2-0 ku adkaaday koobkii Adduunka ee 1954, waxa ay England 3-0 ku badiyeen Euro 2004, halka ay barbaro 1-1 ku kala baxeen Euro 1996.

-> Xulka England ayaa haatan gaaray afar dhammaadka ama ka sii fiican dhammaan afartii tartan ee ugu waa waynaa ee uu macallinka u ahaa Gareth Southgate, waana markii ugu horreysay oo ay abid oo ay si xiriir ah u gaaraan siddeed dhammaadka Euro iyo Koobka Adduunka.

-> Xulka Switzerland ayaa gaaray siddeed dhammaadka tartanka weyn kaliya markii shanaad iyo markoodii labaad oo xiriir ah koobka qaramada Yurub, kaddib Euro 2020. waxaa heerkan lagu reebay afartii isku day ee hore; kani waa xulka ugu badan ee Yurub ah oo gaaray siddeed dhammaadka tartan weyn, haddana aan waligood tagi afar dhammaadka ama semi-finalka.

-> Xulka England ayaa badiyay 49 ka mid ah 116 kulan oo ay ciyaareen tartamada waaweyn ee caalamiga ah, waxana ay noqon karaan qarankii lixaad ee Yurub ah ee gaara 50 guul, kaddib Germany, Italy, France, Spain iyo Netherlands.

-> 7-da gool ee xulka Switzerland uu ka dhaliyay Euro 2024 waxaa dhaliyay 7 ciyaaryahan oo kala duwan.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button