Premier LeagueWararkaWARARKA MAANTA

Horudhac Euro 2024: Spain vs France – Xulkee gaari doona final-ka koobka qaramada Yurub?

Tababare Didier Deschamps ayaa sheegay in dadka ku caajisay qaab ciyaareedka xulkiisa France ay ciyaar ka duwan kulamadii hore ay daawan doonaan kulanka semi-finalka Euro 2024, ay wajahayaan xulka Spain.
Seddexda gool ay ka dhaliyeen Euro waxay ahaayeen labo gool oo ay iska dhaliyeen xulalka ay la ciyaareen iyo rigoore uu dhaliyay Kylian Mbappe kulankii ay barbaraha 1-1 la galeen Poland wareegga group-yada.

Tababaraha xulka Spain Luis de la Fuente ayaa meesha ka saaray warka ah in ciyaarta xulka France ay soo bandhigeen ay tahay mid lagu caajiso, isagoo sheegay in marxaladan ay tahay mid laga fakirayo natiijada ciyaarta.

Dhanka kale Spain ayaa ku jirta qaab ciyaareed heer sare ah Euro 2024 iyaga oo badiyay dhammaan shantii kulan ee ugu dambeeyay iyagoo dhaliyay 11 gool.

Waxa kale oo ay haystaan laba ka mid ah da’yarta ugu firfircoon tartanka Lamine Yamal iyo Nico Williams.
Daafaca kooxda Chelsea Marc Cucurella ayaa si gaar ah wacdaro uga dhigay Spain koobkan qaramada Yurub, wuxuuna caqabad ku noqon karaa weerarka France.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Kulanka: Xulalka Spain vs France.

Tartanka: EURO 2024.

Taariikhda: 09 July 2024.

Saacadda: 10:00 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Allianz Arena.

Garsooraha ciyaarta: Slavko Vincic (Slovenia).

Wararka labada Xul:-

Spain waxaa ganaax kaga maqan Dani Carvajal iyo Robin le Normand, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Pedri dhaawac jilibka ah looga saaray inta ka harsan tartanka Euro 2024.

Mid ka mid ah Dani Olmo ama Merino, oo u dhaliyay Spain goolashii ay ku reebeen Germany wareegga 8-da, ayaa loo badinayaa iney beddeli doonaan booska Pedri.

Dhanka kale France ayaa soo dhaweyn dooto Rabiot oo ganaax ku maqnaa kulankii Portugal ma jiro ganaax cusub ama dhaawac waxayna haystaan saf dhammaystiran.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:-

-> Kani waa kulankii lixaad ee xulalka Spain iyo France ku dhexmaya tartan weyn, France ayaa badiyey saddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeeyey oo kala ahaa (2-0 final-kii Euro 1984-kii, 2-1 siddeed dhammaadkii Euro 2000, 3-1 wareeggii 16-ka ee Koobkii Adduunka 2006), halka kulankii ugu dambeeyey oo ay badiso Spain uu ahaa wareegga siddeed dhammaadka Euro 2012 oo ay ku adkaadeen 2-0, kulanka kalena waxa uu ku dhammaaday barbaro 1-1 ah heerkii guruubyada ee Euro 1996.

-> Kulankooda afar dhammaadka Euro 2024 iyo inay horay ugu kulmeen heerka guruubyada 1996), wareegga 16 (2006), siddeed dhammaadka (2000 iyo 2012) & final-ka (1984) tartammada waa weyn, Spain v France waxa uu noqon doonaa kaliya kulankii saddexaad ee la ciyaari doono heer kasta oo koobka adduunka iyo Euro ah iyadoo horay sidaan oo kale ay u ciyaareen heer kasta oo tartamada waa weyn eh Italy v Spain iyo England v Germany.

-> Spain waa xulka kaliya ee badiyay dhammaan shantii kulan ee ay ciyaareen Euro 2024. Ma jirto xul taariikhda koobka qaramada Yurub lix kulan badisay hal tartan, mana jiro xul waligeed guul gaartay lix kulan oo xiriir ah tartanka Euro.

-> Xulka France ayaa isha ku haya inuu gaaro final-kii 4-aad ee Euro kaddib sanadihii 1984, 2000 iyo 2016, laakiin kaliya kii labaad ayuu noqon karaa oo uusan ku ciyaarin ciidda France (Euro 2000 ee Netherlands).

-> Dhanka kale xulka Spain ayaa isha ku haya inay gaarto final-kiisii shanaad, iyadoo kaliya Germany uu ciyaaray lix final uu ka badan yahay. Isbaanishka ayaa ka soo baxay afar ka mid ah shantii semi-final, laakiin waxa ay rigoorayaal kaga badiyey marxaladaan xulka ugu dambeyntii ee ku guuleystay tartankan ee Italy Euro 2020.

->

-> Kaliya afar gool ayaa laga dhaliyay shantii kulan ee xulka qaranka Farance uu ciyaaray Euro 2024 (saddex gool oo ay dhaliyeen iyo mid laga dhaliyey) goolashaas labo ka mid ah waa rigooreyaal, halka labo kale ay yihiin own goals.

Shaxda macquulka ah oo ay ku soo geli karaan labada xul:-

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button