UncategorizedWARARKA MAANTA

Horudhaca kulamada maanta: Shingaani & Balcad, Dharkenley & Cabdicasiis.

>-Degmada Balcad ayaa la ciyaari doonto dhiggeeda Shingaani kulankooda saddexaad ee tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka banaadir 2024

>-Balcad ayaa ka adkaatay degmada Waaberi tartanka kubbadda cagta degmooyinka gobolka banaadir 2024, waxay ku qaadatay 160 daqiiqo oo ka dhigan labo kulan oo min 80 daqiiqo ah iyadoo kulanoodii koowaad guuldarro kala kulmay degmada Dharkenley.

>-Macalinka degmada Balcad Xasan Afgooye ayaa garaacay Waaberi oo ah degmo shan jeer gaartay fiinalka tartanka degmooyinka labo jeerna ku guuleysatay macalin Xasan waa guushii ugu horreysay isagoo macalin ah ka gaaray tartanka degmooyinka 2024 galabta ayuu hoggaamin doonaa kulankiisa saddexaad.

>-Degmada Balcad ayaa ku jirto kaalinta 3-aad Guruubka D iyagoo leh saddex dhibcood

>-Degmada Balcad marnaba uma soo gudbin wareegga sideed dhammaadka tartanka degmooyinka tan iyo markii ugu horreysay ee ka soo qaybgalaan tartanka degmooyinka sanadkii 2021ka

>-Degmada Shingaani ayaa ciyaari doonto galabta kulankooda afaraad Guruubka D, saddex ciyaar ay horey u soo ciyaartay waxay guuldarro kala kulantay degmooyinka Cabdicasiis iyo Dharkenley halka ay barbaro la galeen Waaberi

>-Degmada Shingaani oo shantii tartan ee ugu dambeysay saddex ka mid ah waxay soo gaareen afar dhammaadka tartanka halka ay ku guuleysteen tartanka degmooyinka sanadkii 2020

Dharkenley V Cabdicasiis

>-Degmada difaacaneyso tartanka degmooyinka ayaa kulankoodii saddexaad waxay la ciyaari doonaan degmada Cabdicasiis

>-Degmada Dharkenley haddii ay galabta adkaato waxay xaqiijin doontaa u soo bixitaanka tartanka degmooyinka wareegiisa sideed dhammaadka iyadoo noqon doonto degmadii labaad oo adkaato saddex kulan ee ugu horreyso taasoo ay sameysay degmada Wadajir

>-Degmada Cabdicasiis ayaa ciyaari doonto kulankooda saddexaad galabta labadii kulan ay horey u soo ciyaareen waxay ka soo adkaadeen Shingaani  ayay  halka kulanka kale ay barbaro la soo galeen degmada Waaberi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button