UncategorizedWARARKA MAANTA

Horudhaca kulamada maanta: ciyaaraha Guruubka B tartanka degmooyinka 2024

Kulamada maanta la ciyaari doono tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2024 waa Guruubka B, kulanka u dhexeeyo degmooyinka Boondheere Warta-Nabadda ayaa lagu ciyaari doonaa garoonka Muqdisho Stadium halka ciyaarta u dhexeyso Shibis iyo Daarusalaam lagu ciyaari doono garoonka Eng-yariisow ee degmada Cabdicasiis.

Aan ku horreeno horudhaca kulanka Shibis iyo Daarusalaam

>-Degmada Shibis oo soo ciyaartay saddex kulan tartanka degmooyinka ayaa 1-0 kaga soo adkaatay degmada Boondheere, waxay guuldarro kala kulmeen degmada Garasbaaley halka ay barbaro la galeen Warta-Nabadda

>-Degmada Shibis ayaa dhallisay kaliya labo gool tartanka degmooyinka sanadkan 2024 waxaana dhalliyay labada gool ciyaaryahanka lambarka 10-aad Maxamed Aadan Ibrahim Abtiga sidoo kale wuxuu qasaariyay gool kulaad loo dhigay degmadiisa Shibis kulankii ay guuldarrada ka soo gaartay degmada Garasbaaley

>-Degmada Shibis shantii tartan ee ugu dambeeyay tartanka degmooyinka waxay soo gaareen sanadii 2018kii fiinaalka tartanka halka 2019 ay ku hareen wareegga sideed dhammaadka 2020kii ayay ku hareen heerka guruubka halka 2021 ay ku hareen wareegga siddeed dhammaadka sanadkii 2023 waxay ku hareen heerka guruubka tartanka degmooyinka.

>-Macalin Cawil Xirsi macalinka degmada  Daarusalaan ayaa gaaray guushiisa labaad tartanka degmooyinka markii ugu horreysay saddex kulan uu hoggaaminayo Daarusalam isagoo macalin ah horey wuxuu soo hoggaamiyay degmada waaberi isagoo ahaa caawiye macalin.

>-Degmada Daarusalaam ayaa ah degmada kaliya aan wax gool ah laga dhallin tartanka degmooyinka sanadkan dhammaan 20ka degmo ee kale waxaa laga dhalliyay gool

>-Degmada Daarusalam oo markii saddexaad ka qaybgaleyso tartanka degmooyinka waa markii ugu horreysay aan wax gool ah laga dhallin saddexda kulan ee ugu horreyso ay ciyaartay heerka guruubka ciyaaraha degmooyinka 2024.

>-Degmada Daarusalam waligeed uma soo gudbin wareegga sideed dhammaadka sanadkii ugu horreeyay 2021kii waxay ku hareen heerka guruubka si la mid ah waxay sanadkii labaad ee 2023 waxay ku hareen heerka guruubka waa markoodii saddexaad sanadkan 2024.

Dhanka degmooyinka Boondheere iyo Warta-Nabadda ayaa ku wada ciyaari doono garoonka Muqdisho Stadium.

>-Degmada Boondheere ayaa wax guul ah gaarin tan & bilowga sanadkan tartanka degmooyinka saddex kulan oo ay soo ciyaareen tartanka degmooyinka labo kamid ah waxay galeen barbaro halka kulanka kale laga adkaadey waxay leeyihiin kaliya labo dhibcood

>-Degmada Boondheere galabta waxay ku soo bixi kartaa kaliya iney badiyaan oo laga badiyo degmada Shibis haddii ay barbaro galaan waxay macsalaameyn doonaan tartanka degmooyinka 2024.

>-Degmada Boondheere shantii sano ee la soo dhaafay tartanka degmooyinka kaliya halmar ayay u soo gudubtay wareegga sideed dhammaadka sanadkii 2018kii wixii ka dambeey waxay afar jeer ku hareen heerka guruubka tartanka degmooyinka

>-Degmada Warta-Nabadda ayaa galabta ciyaari doonto kulankooda afaraad ee Guruubka B horey kulankooda koowaad waxay guuldarro kala kulmeen Daarusalaam, waxay guul ka gaareen Garasbaaley halka ay barbaro la galeen Shibis.

>-Degmada Warta-Nabadda waxay ku soo bixi kartaa iney galabta garaacaan degmada Boondheere sidoo kale laga adkaado Shibis.

>-Macalin Saciid Maata ayaa raadinayo guushiisa labaad uu la gaaro isagoo ah macalinka koowaad ee degmada Warta-Nabadda si uu ugu soo saaro wareegga siddeed dhammaadka tartanka degmooyinka 2024.

>-Degmada Warta-Nabadda ayaa laga qaaday fiinaalka tartanka degmooyinka sanadkii 2023 iyo 2021kii halka 2020 ay ku hareen wareegga sideed dhammaadka sidoo kale 2019 iyo 2018kii waxay ku heerka guruubka tartanka degmooyinka  

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button