Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking News

SAWIRRO: Kooxda K/Cagta Elman SC Oo Soo Bandhigtay Cayaartoy Ajaanib ah.

Kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa warbaahinta u soo bandhigtay saxiixa labo cayaaryahan oo ajaanib ah  xiddigahan oo lagu kala magacaaba Idirisu & Philips waxey kasoo kala jeedaan wadamada Chana iyo Nigeria.

Naadiga Elman SC ayaa ku baahisay barta Facebook ay ku leeyihiin sawirro muujinayo in ay la warreegeen saxiixa cayaartoydaan walloow aysan shaacin hishiiska ay la gaareen cayaaryahanadan ku cusub imaanshiyaha horyaalka heerka koowaad ee dalkeenna Somali Premier League.

Saxiixyadan cusub ee kooxda Elman ayaa kamid noqon doono qorshaha cusub ee macalin Mahad Maxamed Xaaji kaas oo Astaan Sports u sheegay in kooxda ay sameen doonto saxiixyo cusub ayna rajo weyn ka qabaan iney naadiga dib ugu soo laabato horyaalka heerka koowaad ee dalka Somali Premier League oo markii ugu horreysay taariikhda u dhacday horyaalka heerka labaad xili cayaareedkii dhammaaday 2020-2021.

Si kastaba kooxda kubbadda cagta Elman SC ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay soo bandhigeysay cayaartoy cusub oo iskugu jiro ajaanib iyo cayaartoyda dalkeeenna.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button