SAWIRRO: Degmada X/Jajab Oo Guul Muhiim ah Ka Gaartay Degmada Kaxda Tartanka Degmooyin & Deegaanad.
Kulan cayaareedkan oo u dhexeexyay degmooyinka Xamar Jajab & Kaxda kana tirsanaa guruubka C ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Stadium Muqdisho, waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labda dhinac.
Qaybtii koowaad ee kulanka labada degmo waxey soo bandhigeen cayaar weerar iyo weerar celis ah cayaartoyda degmada Xamar Jajab ayaa saameeyeen dadaalo weerar taas oo keentay iney hoggaanka cayaarta ay la wareegaan ka dib gool uu dhaliyay lambarka 7-aad Yuusuf Nuur Iimaan daqiiqadii 18-aad kaas ooo cayaarta ka dhigay 1-0.
Hase yeeshee inta aan la aadin qaybta nasashada waxey degmada Xamar Jajab heleen gool-kulaad uu qaladkeeda lahaa lambarka 4-aad ee degmada Kaxda Cali C/raxmaan kaas oo diilinta ganaaxa ku jilaafay weeraryahanka lambarka 9-aad ee degmada Xamar Jajab waxaana gool-kulaadkaasi gool u beddalay lambarka 17-aad Xasan Cusmaan Dheere daqiiqadii 29-aad, waxaana lagu kala nastay qaybtii koowaad degmada Xamar Jajab oo hoggaanka ku hayso 2-0.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka degmada Kaxda waxay la imaadeen iskudayo badan ay ku doonayeen iney iska soo barbareeyaan goolasha lagu leeyahay hase yeeshee weeraradaas ma aheyn kuwo ay goolal ku dhaliyaan, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 2-0 ay ku adkaatay degmada Xamar Jajab.
Garsoore Cabdullaahi Cumar ayaa bixiyay calaamada hurdiga dhanka degmada Xamar Jajab Waxaa la siiyay lambarka 33-ad Mahad Cabduqaadir daqiiqadii 55-aad sidoo kale Waxaa la siiyay macalin Yaasin Banyaaa oo ah macalinka degmada Xamar Jajab daqiiqadi 70-aad iyo lambarka 66-aad khaalid Maxamuud daqiiqadii 73-aad loo taagay kaarka digniinta halka kaarka 2-aad ee casaanka loo taagay daqiiqadii 81-aad, dhanka degmada Kaxda waxaa la siiyay kaarka hurdiga kaliya lambarka 4-aad Cali C/raxmaan daqiiqadii 29-aad.
Si kastab guruubka C degmooyinka kala ah Kaaraan, Hodan, Kaxda iyo Xamar Jajab ayaa wadaagaan min 3-dhibcood halka Daarusalaam aysan wax dhibic laheen maadaama ay guuldaro kala kulmeen degmada Kaxda walloow kulankoodii 2-aad aysan cayaarin.
WQ/Daacad