Uncategorized

SAWIRRO: Degmooyinka Waaberi & Wadajir Oo Barbaro Ku Hishiiyay Tartanka Degmooyinka.

Kulankan oo qayb ka ahaa Guruubka D oo u dhexeeyay degmooyinka Waaberi & Wadajir ayaa galbta lagy cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow waxaana garoonka soo buux dhaafiyay taageerayaasha labada degmo kala taageerayay.

Cayaartan oo ahayd mid aad u adag waxey labada degmo soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan, degmada Waaberi oo isbeddal ku samaysay safkii ay ku soo galeen kulankoodii ugu horreeyay heerka guruubka guuldarrada ka soo gaartay degmada Dharkeenleey ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay daqiiqadii 35-aad ka dib markii uu madaxa ku dhaliyay kubbad ahayd laadka xurta oo laga soo laaday dhanka midig taas uu dhameystiray cayaaryahanka lambarka 9-aad Cusmaan Bashiir Aadan, waxaa jiray fursado ay abuureen cayaartoyda degmada Wadajir hase yeeshee qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Waaberi.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka degmada Wadajir ayaa iska soo barbareysay cayaarta ka dib markii uu gool u dhaliyay lambarka 11-aad Aweys Maxamed Cabdulaahi daqiiqadii 60-aad ee kulanka wixii intaa ka dambeeyay labada ddhinac waxey abuureen fursado dhinac kasto khatar ku ahaa walloow aysan dhalan goolal kale, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-1 oo labadda degmo isku mari waayeen.

Garsoore Najiib Cawil Xasan oo ahaa garsooraha kulankaan ayaa bixiyay calaamada hurdiga waxaana dhanka degmada Wadajir loo taagay lambarka 14-aad Cabdinaasir Axmed daqiiqadii 35-aad lambarka 30-aad Jabril Xasan daqiiqadii 84-aad, halka dhanka Waaberi loo taagay lambarka 9-aad Cusmaan Bashiir Aadan daqiiqadii 45-aad lambarka 80-aad Maxamuud Cabduraxmaan daqiiqadii 77-aad.

Si kastaba Guruubka D waxaa hoggaanka u hayso degmada Dharkenleey oo leh 6-dhibcood waxaana kaalinta 2-aad kaga jirto Shibis halka Wadajir iyo Waaberi ay leeyihiin min hal dhibic degmada Howl-wadaag ayaa ku jirto kaalinta ugu dambeyso Guruubka D.

WQ/ Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • mo
Back to top button