Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Degmada Yaaqshiid Oo U Soo Baxday Warreegga Sideed Dhamaadka Tartanka Degmooyinka & Deegaanada.

Kulankan oo u dhexeeyay degmooyinka Yaaqshiid & Boondheere ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis waxaana galabta soo camiray taageerayaal aad u badan oo kala taageerayay labada degmo.

Qaybtii koowaad ee kulanka waxey soo bandhigeen labada degmo weerar iyo weerar celis cayaartoyda degmada Boondheere ayaa sameeyeen fursado goolal loo filan karay, hase yeeshee degmada Yaaqshiid ayaa iska difaaceen weerarada kaga imaanayay degmada Boondheere walloow cayaartoyda Yaaqshiid dhankooda ay abuureen fursado fiican waxaana qaybtii koowaad lagu nastay 0-0.

Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaarta oo socoto hal daqiiqo degmada Yaaqshiid ayaa heshay goolkii koowaad ee kulanka waxaana u dhaliyay lambarka 7-aad Maxamed Cabaas daqiiqadii 46-aad goolkaas ayaana wax badan ka beddelay qaab cayaareedkii degmada Yaaqshiid taas oo keentay in mar kale uu goolka labaad ee kulanka uu dhaliyo Cabaas Maxamed daqiiqadii 66-aad intaas kuma harin degmada Yaaqshiid waxaa bandhiga goolasha soo gabagabeeyay lambarka 10-aad Xuseen Ibraahim Maxamed daqiiqadii 78-aad natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 3-0 ay ku adkaatay degmada Yaaqshiid oo u soo baxday warreegga sideed dhamaadka.

Garsoore Cabdifitaax Saciid Mire ayaa bixiyay kaarka digniinta waxaana degmada Yaaqshiid loo taagay lambarka 8-aad Najiib Maxamed Cali daqiiqadii 39-aad lambarka 9-aad Cabdifitaax Cali Diini daqiiqadii 52-aad dhanka degmada Boondheere waxaa kaarka digniinta loo taagay Macalinkooda Axmed Kabaay daqiiqadii 57-aad

Guruubka B waxaa kaalinta 1-aad ku soo baxday degmada Deyniile oo heshay 7-dhibcood kaalinta 2-aad waxaa ku soo baxday degmada Yaaqshiid halka Boondheere iyo Hiliwaa ay iskaga hareen tartanka degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir.

WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button