SAWIRRO: Degmooyinka Kaxda & Hodan Oo Ku Hishiiyay Barbaro Ku Kala Baxay Tartanka Degmooyinka.
Degmooyinka Hodan & Kaxda ayaa galabta ku wada cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow kulan ka tirsanaa guruubka C tartanka kubbadda degmooyinka iyo deegaanada Gobolka Banaadir,
Qaybtii koowaad ee kulanka labada degmo waxey soo bandhigeen cayaar aad u qurux badan waxaana labada degmo kulankan uu u ahaa mid muhiim ah maadaama min hal kulan ay hore u soo lumiyeen, daafaca bidix ee degmada Hodan lambarka 3-aad Hanad ayaa diilinta ganaaxa ku jilaafay cayaaryahanka lambarka 9-aad ee degmada Kaxda Cabdibaasid taas oo keentay in laga dhigo gool-kulaad uu gool u beddalay dcayaaryahanka lambarka 14-aad Cabdullaahi Cabduqaadir Xamuuni daqiiqadii 30-aad, waxaana lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Kaxda.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka degmada Hodan ayaa soo bandhigtay qaab cayaareed weerar ku dhisan halka degmada Kaxda ay muujiyeen dadaalo xoogan ay ku difaacanayeen goolka ay ku hormareen, hase yeeshee qalad uu sameeyay goolhayaha degmada Kaxda waxaa ka faa”iideystay cayaaryahanka degmada Hodan lambarka 21-aad u xirto Cadnaan Cali daqiiqadii 77-aad ee cayaarta, natiijada kulanka ayaana ku soo dhammaatay 1-1 oo labada degmo ay isku mari waayeen 90-ka daqiiqo ee kulanka.
Garsoore Nuuradiin Ibraahim Cali ayaa bixiyay kaarka digniinta dhanka degmada Hodan waxaa la siiyay lambarka 3-aad Hanad daqiiqadii 30-aad lambarka 12-aad Nuur Cusmaan daqiiqadii 67-aad sidoo kale dhanka degmada kaxda waxaa la siiyay lambarka 3-aad Maxamed Cusmaan daqiiqadii 42-aad ma jirin in la bixiyo kaarka guduudan kulankan.
Guruubka C waxaa min 4-dhibcood wadaagaan degmooyinka kala ah Hodan, Kaaraan, Kaxda, halka Xamar Jajab 3-dhibcood ay leeyihiin degmada Daarusalaam ayaa leh kaliya hal dhibic walloow ay haystaan labo kulan oo u harsan.
WQ/Daacad