SAWIRRO: Degmada Shibis Oo Guul Wayn Ka Gaartay Waaberi Tartanka Degmooyinka & Deegaanada.
Kulankan oo ka tirsanaa tartanka kubbadda cagta degmooyinka iyo deegaanada gobolka Banaadir Guruubka D oo u dhexeeyay degmooyinka Shibis & Waaberi ayaa galabta lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Eng-yariisoow ee degmada Cabdicasiis.
Qaybtii koowaad ee kulanka degmada Waaberi ayaa hoggaanka cayaarta la warreegtay kaddib gool uu dhaliyay lambarka 9-aad Cusmaan Bashiir Aadan daqiiqadii 42-aad, cayaartoyda degmada Shibis ayaa dhankooda sameeyeen iskudayo ay ku doonayeen iney iska soo barbareeyaan goolka hoggaanka looga hayay hase yeeshee waxaa qaybtii koowaad ayaa lagu kala nastay 1-0 oo hoggaanka ku haysay degmada Waaberi.
Marka dib la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaartoyda degmada Shibis ayaa la soo laabteen qaab cayaareed ka duwan qaybtii hore waxaana cadaadis xoogan ay saareen daafaca degmada Waaberi taas oo keentay iney dhaliyaan illaa iyo afar gool 30-kii daqiiqo ee ugu dambeysay cayaaarta, goolka barbaraha waxaa dhaliyay lambarka 17-aad Sakariye Maxamuud daqiiqadii 62-aad afar daqiiqo kaddib goolkii labaad waxaa dhaliyay cayaaryahanka lambarka 23-aad Mahad Cabdi Macoow daqiiqadii 66-aad, waxaana goolkii saddexaad iyo kii afaraad sii raacsaday cayaartoyda kala ah Asad Aadan daqiiqadii 69-aad iyo Kabtanka degmada Shibis Maxamed Aadan daqiiqadii 74-aad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 4-1 ay ku adkaatay degmada Shibis.
Garsoore Cabdullaahi Xaaji ayaa bixiyay kaarka digniinta dhanka degmada Waaberi waxaa la siiyay lambarka 6-aad Saciid Xasan daqiiqadii 12-aad lambarka 22-aad Mursal Maxamed daqiiqadii 58-aad halka kaarka guduudan loo taagay lambarka 4-aad Cabduraxmaan Abuukar daqiiqadii 88-aad, Dhanka degmada Shibis wax calaamad ah looma diiwaangelin kulankan.
Si kastaba waa guuldarradii ugu xumeed ee soo gaarto degmada Waaberi oo ahayd degmo aad looga cabsado tartanka degmooyinka degmada Waaberi ayaa la cayaari doonto kulanka ugu dambeeyo heerka guruubka D degmada Howl-wadaag.