SAWIRRO: Wasiir hore XFS oo Agab isboortis ugu deeqay Wasaaradda Ciyaaraha ee Jubbaland
Wasiirkii hore ee Howlaha Guud ee Dowlada Soomaaliya, Eng Saadiq C/laahi Cabdi ayaa agab kala duwan oo Isboorti oo ay ku dheeli karaan 2 kooxood, guddoonsiiyey Wasiirka Dhalinyarada & Isboortiga Dowlad Goboleedka Jubaland Mr. Aweys Mohamed Xuseen & Xiriirka Kubadda Cagta Jubaland.
Wasiirka ayaa sheegay iney muhiim u tahay isaga dhiiri gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ciyaara kubadda cagta isagoo ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerida kooxaha ciyaaraha ee maamulada dalka.
Dhankooda Wasaaradda Ciyaaraha Jubbaland ayaa s weyn ugu mahad celiyey Ex Wasiir Saadaq dadaalkiisa iyo dhiirigelintiisa ckooxaha ka dhsan jubbaland, si kstaba ha ahaatee Ma ahan markii ugu horeysey uu wasiir Saadiq uu qalab isboorti oo lagu dhiirigelinyaayo dhalinyarada & Isboortiga ugu deeqo, waxa uu horey Naadiga LLPP ugu deeqay qalab isboorti oo kala duwan oo niyadda ciyaartoyda & taageerayaashoodaba kor u qaadey.