Uncategorized

SAWIRRO: Goroje Goalkeeping Academy oo magaalada Jijiga ku soo gabagabeeyay tababar loo qabtay goolhayayayaal ka socda horyaalada Kubbadda cagta Dowlad deegaanka Soomaalida.

Wasirka xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Degaanka Soomaalida Mudane Maxamed Mahdi ayaa galabta soo xiray  tababar labadii maalmod ee ugu dambeeyay ka socday Garoonka Wayn ee Jig-jiga Stadium.

Tababarkan oo u bixinaayay Gudoomiye Macadka Goroje Goalkeeping Academy  mudane Cabdirisaq Farax Goroje ayaa waxaa ka faa idaysanaayay 12 Ciyaar yahan oo kamida Goalhayayasha Kooxaha  herarka kala duwan ee ka dhisan magaladda jig-jiga.

Mudane Maxamed Mahdi Wasirka xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Degaanka Somalida oo ka hadlay soo xirista tababarka  ayaa ugu horayntii uga mahad celiyay mudane Goroje sida uu ugu hagar baxay isla markana u siiyay aqoontii iyo khibradiisa Dhallinyarada,  isagoo wasiirku ka codsaday inay tababarkani noqon kii ugu dambeeyay ee u sii wado macalin Cabdirsaq.

Sido kale wasiirka ayaa goalhayayasha ka faa ideesaynayay tababarkan kula dar daarmay inay khibradan iyo aqoontan ay barteen ay ku soo bandhigaan Garomada dalka iyo Degaankaba.

Mr Goroje oo ah aas aasaha iyo Gudoomiyaha Goroje Goalkeeping Academy ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu soo gaaro caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida,waxa uu u mahadceliyay dhamaman masuuliyiintii sida wadajir ah ugu soo dhaweeyay magaalada,asiga oo balan qaaday in uu sii laba jibaari doono tababarka.

Goroje Goalkeeping Academy ayaa maalmihii ugu dambeeyay socdaal ku maraayay meelo badan oo ka mid ah dhulka ay Soomaalida dagto,ayadoo u jeedka ugu way ee socdaalka uu ahaa kor u qaadista aqoonta goolhayaasha Kubbadda cagta Soomaalida. oo ku tala wadanka ingiriiska ayaa baryahanba ku sugnaa magaloyinka moqdisho iyo Hargaisa kuwaas oo tababar sidanoo kale ah ku sinayay Dhalinyarada Magaloyinkaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
  • shuu
Back to top button