SAWIRRO: Wadajir iyo Howl-wadaag oo guuleystay xili guruurbka dhimashada uu sii qasmay koobka degmooyinka G/Banaadir 2021
Kulamadii wareega hore ee guruubyada koobka kubadda cagta ee degmooyinka Gobolka banaadir iyo deegaanada ayaa hadda maraya heer gabo-gabo ah,waxaana degmooyinka u haray min hal kulan oo lagu xaqiijin doono kooxda soo beegsan doonta wareega Bug-baxda koobkan, waxaana sheekadu ay hadda ka qasan tahay guruubka D, oo markii horeba lagu tilmaamay midka dhimashada (Group of Death)
Kulamadii xiisaha lahaa ee guruubkan degmooyinka Dharkeenleey iyo Wadajir ayaa ciyaar xiiso lahayd ku ciyaaray garoonka Eng-yariisoow, waxana kulankan oo ahaa derby-uu ku biloowday weerar iyo weerar celis, sababtoo ah Wadajir waxay dooneysay guul maadaama dhibic keliya lahayd halka Dharkeenleey ay dooneysay iney xaqiijiso usoo bixista wareega xiga, hase yeeshee qeybtii koobaad waxaa lagu kala tegey 0-0.
markii lasoo laabtay qeybta labaad ayaa Wadajir oo guul u baahi qabtay hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 48-aad markaasoo Laad toos ah si qurux badan u dhaliyey ciyaaryahan Rufaaci oo lambarka 4-aad xirta, laakiin Dharkeenleey ayaa daqiiqad ka badan diiday in goolkaasi lagu hogaamiyo daqiiqadii 49-aad ayaa gool labaaleey ah si qurux badan waxaa Dharkenleey ugu dhaliyey ciyaaryahan Feysal C/qaadir oo lambarka 9-aad u qaata,
Waxaa xusid mudan in tababaraha kooxda Dharkeenleey uu sameeyey bedel si lamid ah Tababaraha Wadajir ayaa waxaa ka dhaawacmay mid kamid ah ciyaartoydiisa werarka dhexe, waxaana xusid mudan in Ciyaaryahan lagu magacaabo DAADIR oo bedel lagu keenay lambarka 10-aad qaata gool kale hogaanka ugu dhiibay degmada Wadajir daqiiqadii 62aad, kadib kubad uu soo bixiyey si daciif ah daafac dharkenleey, wuxuuna kulanku kusoo dhamaaday 2-1 guushu ku raacday Wadajir.
Dhanka kale isla guruubkaan Howl-wadaag ayaa ciyaar xiiso lahayd oo Stadium Muqdisho ka dhcay waxaa ay 4-2 uga badisay Waaberi oo horey u xaqiijisey iney guruubka ku hartay, waxaana hadda kulamada ugu danbeeya u ciyaari doonaan Dharkenleey oo 6 dhibic leh iyo Howl-wadaag oo 6 dhibic wadata, dhanka kale Shibis oo 6 wadata iyo Wadajir oo 4 wadata,










