Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Tartanka Dagmooyinka 2020

SAWIRRO: Degmooyinka Shingaani & Warta-Nabadda Oo Ka Soo Baxay Guruubka A Una Gudbay Warreegga Sideed Dhamaadka.

Waxaa galabta la soo gabagabeeyay guruubka A tartanka kubbadda cagta degmooyinka & deegaanada gobolka banaadir, labo kulan oo ka tirsan guruubka A, ayaa galabta lagu kala cayaaray garoomada kubadda cagta Eng-yariisoow iyo Muqdisho Stadium.

Degmada difaacaneyso tartanka kubbadda cagta degmooyinka 2021 Shingaani ayaa kulankii ugu dambeeyay heerka guruubka la cayaartay galabta deegaanka Garasbaaley, degmada Shingaani oo u baahneed guul si ay u xaqijiyaan warreegga xiga ee tartanka kubbadda cagta degmoyinka ayaa hoggaanka cayaarta qabatay daqiiqadii 16-aad kaddib markii uu gool uu u dhaliyay cayaaryahanka lambarka 75-aad Cabdiwaasac Muqtaar goolkaas ayaa lagu kala nastay qaybtii koowaad ee kulanka.

Marka dib la isgu soo laabtay qaybtii labaad ee kulanka cayaaryahan Cabdiwaasac Mukhtaar ayaa degmadiisa Shingaani ka lumiyay gool-kulaad loo dhigay daqiiqadii 56-aadb, hase yeeshee mar kale ayuu garsooraha u dhigay gool-kulaad kale degmada Shingaani waxaana gool u beddalay Cabdiwaasac Mukhtaar oo gool-kulaadkii hore ka lumiyay degmadiisa daqiiqadii 70-aad ee cayaarta, dhammaadkii cayaarta waxaa mar kale goolkii saddexaad u dhaliyay cayaaryahan Cabdiwaasac daqiiqqdii 82-aad.

Bandhiga goolasha degmada Shingaani waxaa soo gabagabeeyay cayaaryahanka lambarka 6-aad Yaasir oo cayaarta beddel ku soo galay qaybtii labaad, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 4-0 oo guusha ku raacday degmada Shingaani oo ku soo baxday kaalinta koowaad guruubka A.

Dhanka kale garoonka kubbadda Stadim Muqdisho waxaa galabta ku wada cayaaray degmada Xamar Wayne iyo deegaanka Gubadley cayaarta oo ahayd mid aad u adag waxey labada dhinac soo bandhigeen qaab cayaareed aad u wanaagsan, deegaanka Gubadley ayaa galabta guushii ugu horreysay tartanka degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir ka gaaray degmada Xamar Wayne waxaana natiijada cayaarta ku soo dhammaatay 3-2 oo guusha ku raacday deegaanka Gubadley.

Si kastaba Guruubka A waxaa kaalinta koowaad ku soo baxday degmada Shingaani oo keensatay 10- dhibcood halka kaalinta labaad ay ku soo baxday degmada Warta-Nabadda, kaalnta saddexaad degamada Xamar Wayne, kaalinta 4-aad Gubadleey halka kaalinta ugu dambeyso ku dhameysteeb deegaanka Garasbaaley.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button