SAWIRRO: Xulka Qaranka k/cagta Soomaaliya oo ku jiro diyaar-garowga Isreeb-reebka Koobka Qaramada Qaaradda Afrika 2023.
Xulka Qaranka kubbadda cagta Dalkeenna Soomaaliya ayaa ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay Isreeb-reebka koobka Qaramada Qaaradda Afrika oo lagu qaban doono dalka Ivroy Coast 2023, Xulka Soomaaliya oo ku sugan dalka Tanzaniya ayaa tababar ku qaadanayo garoonka kubbadda cagta Azam Stadium ee caasimada Daarusalaam.
Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa la cayaari doono xulka kubbadda cagta Eswatini 23/03/2022, Isreeb-reebka koobka Qaramada Qaaradda Afrika lugta koowaad ayaa lagu cayaari doonaa garoonka kubbadda cagta Benjamin Mkapa National Stadium ee ku yaalo caasimada Daarusalaam ee Tanzaniya, ka hor kulankaasi Xulka Qaranka Dalkeenna Soomaaliya ayaa la cayaari doono kulamo saaxiibtinimo kooxo ka dhisan dalka Tanzaniya.
Macalinlka Xulka Qaranka Soomaaliya Pieter de Jongh oo Astaan Sports kula hadlay gudaha garoonka kubbadda cagta Azam Stadium ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan iney u soo baxaan tartanka kubbadda cagta Qaramada Qaraadda Afrika oo 2023 lagu qaban doono dalka Ivroy Coast, waxaana uu intaa kudaray in ay sugayaan cayaartoy cusub oo xulka kusoo biiri doono maalmaha soo aadan kuwaasi oo qayb ka ah xiddigaha xulka u cayaari doono kulanka ay la cayaari doonaan Xulka Ewatini.
Xulka kubbadda dalkeenna Soomaaliya ayaa muujiyay awood cayaareed tartamadii ugu dambeeyay ay ka qayb galeen waxaana Isreeb-reebka tartanka Qaramada Qaaradda Afrika haddii ay ka gudbaan Xulka Eswatini ay u gudbi doonaan heerka guruubyada tartanka kubbadda cagta Qaramada Qaaradda Afrika African Cup of Nation.