SAWIRRO: Muxuu ka yiri Peter de Jongh guuldarradii soo gaartay xulka qaranka Soomaaliya kulankii Eswitini?
Xulka qaranka dalkeenna Soomaaliya ayaa shalay guuldarro kala kulmay xulka kubadda cagta Eswitini isreeb-reebka cayaaraha qaramada qaaradda Africa, oo lugta koowaad lagu cayaaray garoonka kubbadda cagta Benjamin Mkapa National Stadium ee dalka Tanzaniya.
Xulka kubbadda cagta Eswitini ayaa 3-0 kaga adkaaday xulka qaranka Soomaaliya isreeb-reebka tartanka qaramada qaaradda Africa oo 2023 lagu qaban doono dalka Evroy Coast, Macalinka xulka qaranka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay markii ay soo dhammaatay cayaarta ayaa sheegay in xulka Eswitini ay soo bandhigeen cayaar aad u wanaagsan waxey xoogga saareen sidii ay noogu adkaan lahaayeen taas wey ku guuleysateen maxaa yeelay waxey nooga wanaagsanaayeen dhan kasto ayuu yiri macalin Peter de Jongh.
Dhanka kale macalinka xulka qaranka Soomaaliya Peter de Jongh ayaa rajo xumo ka muujiyay iney u soo bixi karaan wareegga xiga ee tartanka kubbadda cagta qaramada qaaradda Africa isagoo ku sababeeyay in kulankii koowaad looga adkaaday 3-0 taas oo hoos u dhigtay u soo bixitaanka heerka guruubyada, macalin Peter de Jongh ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in cayaartoydiisa uu kala hadli doono qaladaadkii ay sameeyeen kulankii shalay wixii intaa ka dambeeyo ay diirada saari doonaan lugta labaad oo lagu cayaari doono S.Arica.
Si kastaba qaar kamid ah taageerayaasha xulka qaranka Soomaaliya oo Astaan Sports mikroofanka la dhexmartay ayaa ku eedeeyay macalinka xulka Soomaaliya inuu keydka dhigay xiddigo muhiim u ah xulka kuwaasi oo mudnaa in lagu soo bilaabo kulanka ,waa aragtida taageerayaasha xulka kubbadda cagta Soomaaliya ee ku sugnaa garoonka kubbadda cagta Benjamin Mkapa National Stadium oo cayaarta ka dhacday.