Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
Breaking News

Tartanka Ifi Ramadaan Cup oo maanta ka furmi doono Magaalada Muqdisho.

Tartanka kubbadda cagta Ifi Ramadaan Cup ayaa ka furmi doono galabta Garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium ee degmada Waaberi, tartanka kubbadda cagta Ifi Ramadaan Cup oo jimcihii la soo dhaafay lagu sameeyay isku aadkiisa xarunta Astaan, waxaa ka qaybgalayo 16 kooxood oo lagu soo koobay afar guruub, waana mid kamid ah tartamada sida weyn loo sugayo inuu furmo maadaama ay ka qaybgalayaan kooxo aad u adag.

Ifi Ramadaan Cup ayaa socon doono inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan kulanka koowaad waxaa lagu furi doonaa guruubka A kooxaha kala ah Haldoor Fc & zein FC kulankaan ayaa la baasan saacada markey tahay 4:30-pm xiliga magaalada Muqdisho, kooxaha ka qaybgalayo tartanka Ifi Ramadaan Cup heerka guruubka koox walbo waxey cayaari doonta min 3 kulan taas oo ka dhigan in is araga kooxaha uu noqon doono in kooxaha min hal kulan is wada arki doonaan.

Si kastaba garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium ayaa lagu cayaari doonaa koobka Ifi Ramadaan Cup.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button