Breaking News

GANAAX: Guddiga tartanka cayaartoyda maqalka la’ oo dhibcihii guusha kala noqday kooxda Janaral Daa’uud.

Kulankan oo u dhexeeyay kooxaha Janaral Daa’uud & Buul Xubey kana tirsanaa Guruubka D ee tartanka kubbadda cagta cayaartoyda maqalka la’ ayaa shalay lagu cayaarya garoonka Macquul Stadium ee Degmada Waaberi.

Gool uu dhaliyay cayaaryahanka lambarka 6-aad Cumar Cali daqiiqadii koowaad ayey hoggaan ku qabatay kooxda Janaral Daa’uud, dhanka kale cayaartoyda kooxda Buul Xubey waxey sameeyeen weeraro isdaba joog ah hase yeeshee waxey difaac adag kala kulmeen kooxda Janaral Daa’uud, natiijada cayaarta ayaana ku soo dhammaatay 1-0 oo ku adkaatay kooxda Janaral Daa’uud.

Garsoore Yaxye Jaamca ayaa bixiya saddex kaar oo ah kaarka hurdiga iyo hal casaan waxaana saddex ka mid ah loo taagay xiddigaha kooxda Janaral Daa’uud lambarka 3-aad C/Kariin Cabdule, lambarka 11-aad, Fahad Xasan, lambarka 4-aad Murshid ismaan, iyo lambarka 6-aad Cumar Cali oo qaatay kaarkii labaad ee kulanka, halka kooxda Buul Xubey la siiyay hal kaar oo ah kaarka digniinta waxaana qaatay cayaaryahanka lambarka 6-aad Afrax C/risaaq.

Ka dib markii ay soo dhammaatay ciyaartii u dhexeesay kooxaha Buul Xubey & J/Daa’uud, Guddiga tartanka cayaartoyda maqalka la’ ayaa ganaax ku soo rogay kooxda kubbadda cagta Janaral Daa’uud ka dib markii lagu helay in safkoodaka kulanka ay ku soo dareen goolhaye Maxamed Aadan oo ah shaqsi wax maqli karo, taas ka hor imaaneyso sharuucda tartanka cayaartoyda maqalka la’

Baaritaano ay sameeyeen guddiga tartanka iyo waaxda caafimaadka ayaa lagu ogaaday in Maxamed Aadan uu yahay shaqsi wax maqli karo, waxaana kooxda Janaral Daa’uud lagu ganaaxay in laga soo celiyo dhicaha kulankii shalay ay guusha ka gaareen kooxda Buul Xubey waxaana dhibcahaas loo warreejiyay dhanka kooxda Buul Xubey.

Si kastaba inta uu tartanka socdo waa kooxdii ugu horreysay oo dhibcaha laga celiyo ka dib markii ay jabiyeen mid ka mid sharuudaha tartanka cayaartoyda maqalka la’

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button