WARBIXIN: Kooxaha Shiirkole & Juungal oo soo gaaray fiinaalka tartanka cayaartoyda maqalka la’
Kooxaha kubbadda cagta Shiirkole & Juungal ayaa ku jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay, ka hor kulanka fiinaalka beri oo Isniin ah ay ku wada cayaari doonaan garoonka kubbadda cagta Macquul Stadium oo si xiiso leh ugu socdo tartanka cayaartoyda maqalka la’
Waa sannadkii labaad oo Astaan Sports ay u qabanayso tartan kubbadda cagta ah cayaartoyda maqalka la’ ee ku nool xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana sannadkii hore ku guuleysatay xaafadda Shiirkole oo beri la cayaareyso kooxda Juungal oo soo gaartay fiinaalka tartanka.
Kooxda kubbadda cagta Shiirkole oo sannadkii hore ku guulaysatay tartanka cayaartoyda maqalka la’ ayaan wax guuldarro ah la kulmin waxayna kaalinta koowaad kaga soo baxday Guuruuka C, halka wareegga sideed dhammaadka ay ku reebtay Xaafadda Seybiyaano sidoo kale waxay wareegga afar dhammaadka ku garaaceen kooxda Maajo.
Dhanka kale kooxda kubbdda cagta Xaafadda Juungal oo laga adkaan ayaa soo gaartay fiinalka tartanka cayaartoyda maqalka la’ waxayna Guruubka D kaga soo baxday kaalinta 2-aad halka wareegga sideed dhammaadka ay ka adkaatay kooxda Ceel-hindi sidoo kale wareegga afar dhammaadka waxey ka soo gudbeen kooxda Towfiiq.
Si kastaba labada kooxood ayaa ku jiro diyaar-garowkii ugu dambeeyay ka hor kulanka fiinaalka oo beri oo isniin ah taariikhdu ku beegantahay 01/8/2022 ku balansan garoonka kubbadda cagta macquul Stadium ee Degmada Waaberi.
WQ/ Axmed Maxamed Xasan ”Daacad”