Kaalintee ayuu kaga jiraa Stadium Muqdisho Garoomada ugu waaweyn Qaaradda Afrika.
Garoonka kubbadda cagta Stadium Muqdisho waxaa la dhisay sannadkii 1977-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii kacaanka.
inta uusan bururin Garoonka kubbadda cagta Stadium Muqdisho waxaa lagu qabtay tartamo caalami ah oo ka mid ah tartamada qaaradda Afrika.
Burburkii kaddib xiriirka kubbadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa Garoon caalami ah u aqoonsaday Garoonka Kubadda Cagta Mogadishu Stadium 15 October 20220-kii kaddib markii dayactir lagu sameeyay.
FIFA ayaa ogalaatay in Stadium Mogadisho uu martigalin karo kulamo caalami ah.
Buruburkii kaddib kulankii ugu horreeyay waxaa ku wada cayaaray Kooxaha kubbadda cagta Horseed & MCC, waxaana munaasabada furitaanka ka soo qaybgalay madaxda ugu sarreyso dowladda Soomaaliya iyo wasiirka dhallinyarada iy cayaaraha.
Dad badan ayaa is weydiinayo booska uu kaga jiro Stadium Muqdisho 10-ka garoon ee ugu waaweyn qaaradda Afrika.
Wuxuu Stadium Muqisho kaga jiraa booska 7-aad garoomada ugu waaweyn qaarada Afrika.
Halkaan ka eeg 10-ka garoon ee ugu weyn qaaradda Afrika.
1-FNB, South Africa oo ah garoonka koowaad ee ugu weyn Afrika ayaa qaado 94,736 ( sagaashan iyo afar kun, todobo boqol sodon iyo lix) wuxuuna ku yaalaa S.Africa.
2.Borg El Arab, Masar oo ah garoonka labaad ee ugu weyn ayaa qaado 86,000 (Sideetan iyo lix kun, )
3. Stade 5 Juillet, Algeria oo ah garoonka saddexaada ayaa oo ku yaalo Algeria ayaa qaado 85,000 (Sideetan iyo shan kun)
4. Stade des Martyrs, Dr Congo oo ah garoonka afaraad ee ugu weyn ayaa qaado, 80,000 (Sideetan kun )
5. Cairo International Stadium, Masar oo ah garoonka shanaad ayaa qaado 74,100 (todobaatan iyo afar kun, iyo boqol)
6. Stade Mohammed V, Morocco oo ah garoonka lixaad ayaa qaado 67,000
(lixdan iyo todobo kun,)
7.Muqdisho Stadium, Soomaaliya oo ah garoonka toddobaad 65,000 (lixdan iyo shan kun)
8. Ellis Park Stadium, South Africa oo ah garoonka sideedaad ayaa qaado 62,567 (lixdan iyo labo kun, shan boqol lixdan iyo todobo)
9. Moshood Abiola Stadium, Nigeria oo ah garoonka sagaalaad ayaa qaado 60,491 (lixdan kun, afar boqol sagaashan iyo kow)
10 Stade 7 November, Tunisia oo ah garoonka ugu dambeeyo ayaa qaado 60,000 ( lixdan kun )
WQ/ Axmed Maxamed Xasan ”Daacad”