SAWIRRO: Degmada Hodan oo iska xaadirisay afar dhammaadka tartanka k/kolayga Degmooyinka.
Degmada Hodan ayaa u gudubtay wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda kolayga kaddib markii ay adkaatay galabta Degmada Heliwaa kulan ka tirsanaa wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir.
Cayaarta oo ahayd mid ay ku gacan sareysay Hodan ayaa lagu kala nastay qabybtii koowaad 56-17 oo hoggaanka ku haysay Degmada Hodan walloow ay jireen iskudayo badan ay sameeyeen wiilasha Degmada Heliwaa hase yeeshee uma suurogalin.
Qaybtii labaad Degmada Hodan ayaa heshay dhibco aad u badan waxaana ay keensatay 103 dhibcood halka Heliwaa ay heshay 44-dhibcood waxaana 60 dhibcood guusha ku qaadatay Hodan oo galabta noqotay Degmadii ugu horreysay oo ku adkaato dhibco intaas gaarayo wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda golayga Degmooyinka.
Degmada Hodan ayaa kaalinta koowaad ugu soo baxday Guruubka D iyagoo aan laga adkaan dhammaan afartii kulan ay soo cayaartay wey soo adkaatay, halka Degmada Heliwaa laga soo adkaaday hal kulan Guruubka B oo kaalinta labaad kaga soo baxday.
Kulanka u dhexeeyay labada Degmo waxaa garsoorayay Axmed Maxamed Mukhtaar iyo Maxamed Axmed Calasow waxaana garoonka soo camiray taageerayaal aad u badan oo labada dhinac kala taageerayay.
Si kastaba Degmada Hodan ayaa la cayaari doonto Yaaqshiid 08/09/2022 maalinta Khamiista wareegga afar dhammaadka tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaagaannada Gobolka Banaadir.