Fiinaalka tartanka k/kolayga Degmooyinka oo dib u dhac ku yimid.
Cayaarta kama dambeysta tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir oo iskugu soo hareen Degmooyinka Hodan & Shibis ayaa dib loo dhigay.
Kulanka fiinaalka oo la qorsheenayay in la cayaaro maanta oo Isniin ah ayaa dib loo dhigay waxaana dib u dhaca lagu sababeeyay is beddelka Maamul ee ka dhacay Gobolka Banaadir iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo magacaabay Muddane Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) oo hore u soo Maamulay Gobolka Banaadir.
Tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka & Deegaannada Gobolka Banaadir waxaa cayaarta kama dambeysta ka soo qaybgalo Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu horreeyo Duqa Muqdisho, lama shaacin wakhtiga sida saxda loo cayaari doono kulanka fiinaalka oo u dhexeeyo Degmooyinka Hodan & Shibis.
Degmada Wadajir ayaa ku guuleysatay tartanka kubbadda kolayga Degmooyinka sannadkii 2018-kii oo ahayd markii ugu dambeysay oo la qabto Wadajir ayaa sannadkan ku hartay wareegga sideed dhammaadka tartanka kubbadda kolayga kaddib markii ay guuldarro kala kulantay Degmada Yaaqshiid.