Xaqiiqooyin laga yaabo inaadan ka ogeyn Koobka Adduunka oo maanta bilaabanaya
Koobka Adduunka ee Qatar 2022 ayaa maanta ka bilaaban doona dalkaasi, waxaana kulanka furitaanka wada ciyaari doona dalka marti-gelinaya Koobkan iyo dhiggooda Ecuador.
Ciyaarta furitaanka ayaa la baasan doonaa caawa 7:00 fiidnimo, waxaan haddaba idiin soo gudbinaynaa Xaqiiqooyin la xiriira Koobka Adduunka.
Haddaba waxa aan diiradda saari doonnaa xaqiiqooyin laga yaabo inaadan ka ogeyn dhacdada ugu weyn kubadda cagta.
Xaqiiqooyinkan ayaa laga yaabaa inaadan qaarkood horay u maqal, waxaana ka mid ah hees laga sameeyey Zidane intii lagu guda jiray Koobkii Adduunka ee 2006, hal kulanka oo koobka Adduunka ah oo la iska dhaliyey 12 gool iyo arrimo kale.
1– Sanadkii 1958-kii siddeed dhammaadka Koobka Adduunka afartii xul ee laga adkaaday midkoodna ma dhalin hal gool intii lagu guda jiray kulammadaas.
Kulammadaan afar dhammaadka ah ee Koobkii Adduunka 1958-kii ayaa la ciyaaray 19 June 1958-kii, waxaana natiijooyinkii ka soo baxay ay noqdeen in hal gool aysan dhalin dhammaan xulalkii laga adkaaday.
- Brazil 1–0 Wales
- France 4–0 Northern Ireland
- Sweden 2–0 Soviet Union
- West Germany 1–0 Yugoslavia
2– Heesta caanka ah ee la magac baxday (“Headbutt”) ama hertidii, waxaa la sameeyey Final-kii Koobka Adduunka 2006, waxaana laga soo qaatay hertidii Zinedine Zidane ee final-kii Koobkii Adduunka 2006 markii uu xabadka herti kaga dhuftay daaficii xulka qaranka Talyaaniga ee Marco Materazzi.
Heestan waxa ay jirtay Albumkii Coup de Boule.
Erayada heestan la magacbaday hertiga ee Faransiiska ah waxaa ka mid ah:-
Iska jir waa dheeshii hertida
Zidane wuu dhigay isaga (wuu hertiyay)
Herti ayuu ka siiyay dhanka midig
Herti ayuu ka siiyay dhanka bidix
Xulka Faransiiskoow socda
Zidane soco, wuu ku dhuftay isaga
Talyaanigaas tacbaanka ah si xun baa loo xanuujiyay
Talyaanigu wax fiican lama imaan
Zidane wuu waray isaga (hertiyay)
Garsooraha TV-ga ayuu ka arkay hertida
Zidane wuu hertiyay
Inkastoo aan khasaarnay Koobka Adduunka
Laakiin si fiicanaan u qosolnay
3– Kulankii goolasha ugu badan la iska dhaliyey taariikhda koobka adduunka ayaa la ciyaaray Koobkii Adduunka ee sanadkii 1954-kii, markaasoo xulka qaranka Austria ay 7-5 kaga adkaadeen dhiggooda Switzerland, ciyaartaasoo wadar ahaan la iska dhaliyey 12 gool.
4– Kulankii kaalinta saddexaad ee Koobkii Adduunka 2002, halyeyga reer Turki ee Hakan Sukur ayaa goolka furitaanka ciyaarta inuu dhaliyo ay ku qaadatay kaliya 10.8 ilbiriqsi kaddib markii uu garsooruhu ka dhawaajiyey seeriga bilaabashada ciyaarta, waxaana uu sidaas ku dhaliyey goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa taariikhda Koobka Adduunka, kulankaasna waxa xulka Turkiga oo galay kaalinta saddexaad ee koobka Adduunka ay 3-2 kaga adkaadeen dhiggooda South Korea ama Kuuriyada Koonfureed.
5– Intii lagu guda jiray Koobkii Adduunka ee 2010-kii lagu qabtay dalka Koonfur Afrika in ka badan 750,000 liiter oo qamro ah ayaa lagu iibiyey garoommada, laakiin sanadkan Dowladda Qatar waa ay diiday oo ay khamrada ka mamnuucday garoomada in lagu cabo iyo in lagu iibiyo labadaba.
6– Goal-line technology ama Tignoolajiyadda lagu ogaanayo in kubaddu ay dhaaftay xariiqda goolka ayaa markii ugu horreysay la isticmaalay Koobkii Adduunka ee 2014-kii.