Thomas Müller oo indhaha ku haya inuu gaaro labo rikoor oo waa weyn Koobka Adduunka ee Qatar
Weeraryahanka xulka qaranka Jarmalka kala qeyb-galaya Koobka Adduunka ee Qatar, Thomas Müller ayaa indhaha ku haya inuu gaaro labo rikoor oo waaweyn inta uu socdo koobka Adduunka sanadkan.
Thomas Müller ayaa guud ahaan Koobka Adduunka waxa uu ka dhaliyey 10 gool, isagoo sidoo kale ka sameeyey lix caawin.
Haddaba xiddiga kooxda Bayern Munich ayaa doonaya inuu noqdo xiddiga ugu goolasha badan taariikhda koobka Adduunka iyo weliba ciyaaryahanka ugu caawinta badan tartankan.
Müller waxa uu iminka lix gool u jiraa inuu gaaro rikoorka dhaliyihii ugu goolasha badnaa Koobka Adduunka ee Miroslav Klose, kaasoo dhacdada ugu weyn kubadda cagta ka dhaliyey 16 gool.
Sidoo kale waxa uu Müller labo caawin oo kaliya ay kaga harsan tahay inuu barbareeyo rikoorkii Diego Maradona ee ahaa xiddiggii ugu caawinta badnaa taariikhda Mudiyaalka Adduunka.
Xiddigii hore ee xulka qaranka Argentina ee Diego Maradona ayaa koobka adduunka ka sameeyey 8 caawin.