2022 FIFA World Cup

Xulka Ecuador oo guul ku furtay koobka adduunka & Qatar oo loo diiwaan-geliyey rikoor aan loo baahnayn

Koobka Adduunka ee sanadkan 2022 ayaa caawa si rasmi ah uga furtay dalka Qatar, waxaana lagu furay xulalka Qatar & Ecuador.

Xulka qaranka Ecuador ayaa koobka adduunka ku furtay guul weyn oo ay ka gaareen marti-galiyeyaasha tartanka sanadkan ee Qatar.

Kabtanka Ecuador ee Enner Valencia ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay, xilli xulka qaranka Qatar loo diiwaan geliyey rikoor aan loo baahnayn.

Enner Valencia oo ka tirsan xulka qaranka Ecuador ayaa dhaliyey goolashii ugu horreeyey Koobka Adduunka 2022.

Goolkii uu ku daah rogay koobka Adduunka Enner Valencia ayay ku qaadatay waxa ka yar saddex daqiiqo, laakiin goolkaas waa laga diiday oo meesha ayaa laga saaray, waxaana lagu sheegay inuu yahay garab-dhaaf ama Offside.

Markale ayuu Enner Valencia soo dhexjeexay daafacyada Qatar daqiiqaddii 15-aad, waxaana lagu galay rigoore, isaga ayaana gool u rogay gool ku laadkaas lagu abaal-mariyey.

Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta ayuu markale shabaqa soo taabtay Enner Valencia, waxaana uu Qatar ugu shubay gool madax ahaa 31’daqiiqo.

Taasi waxa ay ka dhigan tahay in shantii gool ee ugu dambeeyey oo uu xulka qaranka Ecuador ka dhaliyey Koobka Adduunka uu dhaliyey Kabtan Enner Valencia.

◉ Enner Valencia (2014)
◉ Enner Valencia (2014)
◉ Enner Valencia (2014)
◉ Enner Valencia (2022)
◉ Enner Valencia (2022)

Valencia dhaawac ayuu kaga baxay kulankan, waxaana uu dhaawacmay isagoo baadi-goobayay goolkiisii saddexaad ee kulankan.

Dalka Qatar ayaa noqday Waddankii ugu horreeyey ee marti-galinaya Koobka Adduunka abid ee laga adkaado kulankooda furitaanka tartanka 92 sano oo la ciyaarayo koobka Adduunka, runtiina waa rikoor liita oo aan loo baahnayn.

dalka Qatar labadooda kulan ee guruubkana waxay la kala ciyaari doonaan Senegal iyo Netherlands.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button