2022 FIFA World Cup

Saacado yar kaddib markii uu guursaday ayaa looga yeeray Koobka Adduunka si uu beddel ugu noqdo Sadio Mane

Waa mid ka mid ah sheekooyinka ay aadka u hadal hayso kubadda cagta Adduunka, Moussa N’Diaye, kaasoo saacado yar kaddib markii uu aqal galay looga yeeray Koobka Adduunka si uu beddel ugu noqdo Sadio Mane oo dhaawac ku seegaya tartankan.

Xulka qaranka Senegal ayaa xaqiijiyey in beddelka Sadio Mane ee Koobka Adduunka loo yeeray xiddiga kooxda Anderlecht ee Moussa N’Diaye.

Mane ayaa ku qasbanaaday inuu isaga haro tartanka Koobka Adduunka kaddib dhaawac lugta ah oo ka soo gaaray kulankii ugu dambeeyey oo uu u ciyaaray Kooxdiisa Bayern Munich ka hor inta aan la soo aadin Koobka Adduunka, waxaana tan iyo markaas uu maray qalliin lagu saxayo dhaawaca gaaray.

Markii hore Mane oo 30 jir ah ayaa isagoo dhaawac ah lagu soo daray xulka qaranka Senegal, balse waxaa dib la shaaciyey inuusan ciyaari karin Koobka Adduunka oo gabi ahaanba waa laga reebay tartanka xalay ka billowday dalka Qatar.

Kooxda kubadda cagta Anderlecht ayaa bayaan ay soo saaray oo ay ku shaacisay Website-keeda rasmiga ah ku sheegtay in 20 sano jirka Moussa N’Diaye looga yeeray qaranka Senegal si uu beddel ugu noqdo Mane, isla markaana uu u safri doono dalka Qatar si uu ula midoobo saaxiibadiisa xulka.

N’Diaye ayaa 13 kulan u ciyaaray kooxda reer Belgium tartammada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu Anderlecht kaga soo dhaqaaqay xagaagan Kooxda Barcelona B, laakiin weli ma helin fursad uu si buuxda qarankiisa waa weyn ugu matalo, inkastoo uu u soo ciyaaray xulkiisa xiddigaha da’doodu ka yartay 20-jirrada uu ku matalay Koobka Adduunka.

N’Diaye waxa uu ka ciyaaraa daafaca, waana dooqa macallinka in beddelka Mane uu u ciyaaro ciyaaryahankan, maadaama xulka Senegal ay haystaan haatan lix weeraryahan oo ay ku jiraan ciyaaryahanka kooxda Watford ee Ismaila Sarr iyo midka naadiga Marseille ee Bamba Dieng.

Haddaba sheekada xiisaha leh waxa ay tahay in Moussa N’Diaye looga yeeray qarankiisa Senegal saacado yar uun kaddib markii uu guursaday.

Moussa N’Diaye ayaa aqalgalay maalin ka hor marka looga yeeray inuu Koobka Adduunka ku metelo xulkiisa qaranka Senegal oo uu beddel u noqdo booska uu ka dhaawacmay Sadio Mane.

Xiddiga 22-sano jirka ah ayaa guursaday shalay, wuxuuna ogaaday saacado kaddib arooskiisa in xulka Senegal looga wacay si uu beddel ugu noqdo Sadio Mane oo dhaawac ku seegaya Koobka Adduunka.

Waa maalin lama ilaawaan u ah da’yarka Senegal oo markii ugu horreysay looga yeeray xulkiisa qaranka ee waa weyn.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button