Sadio Mane oo farriin u diray taageerayaasha & Xulkiisa Senegal ka hor kulankooda caawa
Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich & xulka Senegal ee Sadio Mane ayaa markii ugu horreysay farriin u diray taageerayaashiisa iyo xulka Senegal ka hor kulanka caawa ay la cayaari doonaan xulka Holand cayaar ka tirsan Guruub B tartanka koobka Adduunka 2022 ee ka furmay dalka Qatar.
Sadio Mane oo farriintan ku baahiyay Barahiisa Bulshada ayaa yiri: ‘’Qaar badan oo idinka mid ah ayaa ii soo diray farriimo taageero ah kaddib dhaawacii i soo gaaray, Alxamdulilaah waxaa si wanaagsan u dhacay qalliinkii la igu sameeyay bartamihii isbuucan, waxaan rabaa in aan fursadan kaga faa’ideysto si aan dhammaantiin idiinkaga mahadceliyo xiriirkiina iyo fariimaha aad ii soo dirteen.”
“Wadankeenna qaaliga ah ayaa ku tartami doona koobka aduunka, waxaan hubaa in libaaxyadu ay isdhaafi doonaan oo ay u soo dhowaan doonaan halka ugu wanaagsan cayaaraha guruubka B” ayuu hadalkiisa ku daray Weeraryahanka Kooxda Bayern Munich.
“Waxaan sidoo kale ku qanacsanahay in dhammaan taageerayaasha Senegal ay hor istaagi doonaan shaashadaha si ay u taageeraan xulkooda, waxaan dhiiragalinayaa xulkeenna geesiyaasha ah inay guuleystaan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Mane.
Sadio Mane oo markii hore isagoo dhaawac ah lagu daray xulka Senegal ayaa ku qasbanaaday in dib looga saaro, waxaana beddelkiisa loo yeeray Moussa N’Diaye.