Xaqiiqooyin aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka maanta Morocco & Croatia ee Koobka Adduunka
Laacibka khadka dhexe ee Luka Modric ayaa doonaya in Croatia ay bog cusub ka qorto taariikhdooda koobka adduunka marka ay maanta wajahaan Morocco kulankooda furitaanka tartanka sanadkan lagu ciyaarayo dalka Qatar.
Xulka Croatia ayaa gaaray final-kii koobka Adduunka ee lagu qabtay Ruushka sanadkii 2018, iyagoo afar dhammaadka ama semi-finalka ku garaacay England, ka hor inta aysan 4-2 guuldarro ah ka soo gaarin France kama dambaystii tartankaas.
Kulankan ka dhacaya garoonka Al Bayt Stadium ee Magaalada Al Khor waa kulanka ugu horreeya ee kulammada maanta ciyaarayo Koobka Adduunka, sidoo kale waa furitaanka Guruubka F, waxaana Guruubkan Morocco iyo Croatia ku wehliya xulka kaalinta labaad kaga jira qiimeynta adduunka ee Belgium iyo xulka Canada oo ciyaara koobkoodii Adduun ee ugu horreeyey tan iyo sanadkii 1986-kii.
Croatia ayaa ku jirta kaalinta 12-aad ee kala sarraynta xulalka Adduunka, waxayna 10 boos ka sarreeyaan Morocco oo ah waddan soo ciyaaray shan tartan oo hore koobka Adduunka, balse hal mar kaliya ka soo baxay heerka guruubyada tartankan sanadkii 1986-kii.
Kani waa kulankii ugu horreeyay ee u dhexeeya xulalka Morocco iyo Croatia oo ka tirsan Koobka Adduunka, kaliya halkoodii kulankoodii horey u dhexmaray wuxuu ahaa koobkii Hassan II Trophy ee dhacay bishii December ee sanadkii 1996-kii, kaasoo lagu ciyaaray Casablanca, ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2, waxaana xusid mudan in kulankaas la bixiyay saddex kaar oo casaan ah ugu dambeyntiina Xulka Croatia ayaa ku badiyay rigoorayaal 7-6 ah.
Dalka Croatia ayaa badiyey labadii kulan ee Koobka Adduunka oo uu la ciyaaray xulalka ka socda qaaradda Afrika, isku cel celis ahaanna waxa uu uga badiyey 6-0, (4-0 uu kaga adkaaday Cameroon sanadkii 2014, 2-0 uu ku dharbaaxay xulka Nigeria sanadkii 2018).
Waa markii lixaad ee Morocco ay ka soo muuqato Koobka Adduunka, laakiin ma aysan soo dhaafin heerka group-yada tan iyo sanadkii 1986-kii, markaasoo ay ugu dambeyntii ku hareen wareegga 16-ka markii ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Jarmalka.
Waa markii lixaad ee xulka qaranka Croatia uu kasoo muuqdo Koobka Adduunka, shantii goor ee hore saddex ka mid ah waxaa lagu reebay wareegga Guruubyada, halka labada kale ay gaareen ugu yaraan afar dhammaadka ama Semi-finalka, waxaana labadaas mar ka mid ah final-kii ay gaareen koobkii Adduunka ee 2018.
Wararka labada xul:-
“Wixii aan soo marnay 2018-kii waxa ay ahayd waayo-aragnimo lama ilaawaan ah, oo aan maskaxdeenna ka go’aynin,” ayuu yiri kabtanka xulka Croatia ee Luka Modric.
“Waan ka hadli doonnaa oo aan dib u xasuusan doonnaa inta nolosheenna ka dhiman, laakiin waxaan u baahanahay inaan meel iska dhigno.”
Daafaca Morocco ee Nayef Aguerd ayaa ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah oo soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, inkastoo uu kaliya hal kulan ka soo muuqday Kooxdiisa West Ham ee Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo beddel ku soo galay ciyaartii ay guuldarrada 2-0 kala kulameen kooxda Leicester ee dhacday 12-ka bishan November.
Modric oo haatan ah 37-sano jir ayaa koobkii adduunka ee la soo dhaafay oo lagu qabtay Ruushka waxa uu ku guuleystay abaal-marinta Golden Ball ee la siiyo xiddiga tartanka ugu wanaagsan waxaana uu hadalkiisa intaa ku daray: “Ciyaartoy badan oo ka mid ahaa kuwii ciyaaray koobkii Adduunka ee Ruushka halkaan ma joogaan, xiddigo cusub ayaa yimid, ciyaartooy da’yar ah oo tayo iyo tamar cusub leh ayaa jooga.”
“Kani waa tartan cusub, waana inaan u eegno dhankaas.”
Croatia ma qabaan wax dhaawacyo cusub ah, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea, Mateo Kovacic uu diyaar yahay, inkastoo uu la dhibtoonayay dhaawac jilibka ah.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka F.
Xulalka: Morocco vs Croatia.
Garoonka: Al Bayt Stadium.
Garsooraha: Fernando Rapallini (Argentina).
Taariikhda: 23 Novembar 2022.
Saacadda: 1:00 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Shaxda macquulka ah ee Morocco: Bono; Hakimi, Saiss, Aguerd, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.
Shaxda macquulka ah ee Croatia: Livakovic; Stanisic, Lovren, Gvardiol, Barisic; Modric, Brozovic, Kovacic; Vlasic, Petkovic, Perisic.
Astaan Sports