XAQIIQOOYIN AAD U BAAHAN TAHAY INAAD OGAATO KA HOR KULANKA CAAWA DHEXMARI DOONA XULALKA SPAIN & COSTA RICA EE KOOBKA ADDUUNKA
Xulka qaranka Spain ayaa u safray dalka Ruushka koobkii adduunka ee kan ka horreeyey waxayna ku hareen wareegga 16-ka, waxaana tartanka ka ciribtiray xulka Ruushka cayaar ku dhammaatay 1-1 hase yeeshee Gool-kulaadyo 4-3 ayaa looga adkaaday xulka Spain.
Xulka ku guulaystay Koobka Adduunka 2010-kii ayaa caawa wajahaya xulka Costa Rica kulankooda ugu horreeya ee Koobka Adduunka sanadkan ciyaar ka tirsan Guruubka E.
Spain ayaa kaalinta 7-aad kaga jira xulalka ugu fiican Adduunka, isagoo 23 boos ka sarreeya xulka Costa Rica oo ku jira booska 31-aad.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Busquets ayaa ka qeyb-galaya tartankiisii afaraad ee koobka adduunka kaddib markii uu koobka la qaaday Spain 2010-kii.
34-jirkan ayaa sidoo kale ku guuleystay Koobka Qaramada Yurub ee 2012, wuxuuna ku hamminayaa inuu markiisa labaad kula guulaysto koobka adduunka xulkiisa Spain.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan halkaan imaado, iyadoon loo eegin inuu yahay koobka adduunka labaad ama afaraad, wax go’aan ah ma gaari doono inta lagu jiro ama kaddib” ayuu yiri Busquets.
“Waxaan halkaan u joogaa inaan ku raaxaysto, wax kasta oo dhaca, sida iska cad waxaan ku dhowahay inuu kani noqdo koobkii adduunka ee ugu dambeeyay.”
Waxa ay ku guuldarraysteen xulka spain in ay badiyaan kulankii furitaanka saddexdii tartan ee ugu dambeeyay kuwaas oo dhamaantood uu Busquets ciyaaray waxa uuna sheegay in la joogo “waqtigii lagu bilaabi lahaa guul”.
“Dabcan waan ognahay inay adkaan doonto, laakiin ujeedadeenu waa inaan ciyaarno todoba kulan oo dagaalanno ilaa dhammaadka.
“Kulanka ugu horreeyo haddii aan badino runtii way noo fiicnaan doontaa inaan kulamada kale guuleysanno.” ayuu ku soo xiray hadalkiisa xiddiga Barcelona.
Dhanka kale xulka Costa Rica waa mid ka mid ah xulalka ugu wanaagsan ee ka qeyb-galaya koobka adduunka, waxaana ay koobka aduunka ka soo muuqdeen shan jeer oo hore, iyagoo labo jeer ka soo baxay heerka guruubyada, waana markoodii lixaad sanadkan 2022.
Sanadkii 2014, Costa Rica waxay gaartay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa taariikhda iyagoo ku dhameystay kaalinta koowaad ee guruubkooda waxaana kula jiray xulalka Uruguay, Italy iyo England.
Wararka labada Xul
Daafaca bidix ee xulka qaranka Spain Jose Gaya ayaa isaga baxay liiska ciyaartoyda u matalaya tartanka koobka adduunka kaddib markii uu dhaawac canqowga ah kasoo gaaray tababarka.
Waxaa lagu bedelay da’yarka Barcelona Alejandro Bald, laakiin ma jiraan dhaawacyo kale oo hadda ku jira liiska xulka Spain.
Dhanka kale xulka Costa Rica dhammaan cayaartoyda ma qabaan wax dhaawac ah waxayna haystaan koox dhammeystiran.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka E.
Xulalka: Spain vs Costa Rica
Garoonka: Al Thumama Stadium
Garsooraha: Mohammed Abdulla Mohammed (United Arab Emirates)
Taariikhda: 23 Novembar 2022.
Saacadda: 7:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
Shaxda macquulka ah ee Spain: Simon; Carvajal, Laporte, P Torres, Alba; Pedri, Busquets, Gavi; F Torres, Morata, Fati
Shaxda macquulka ah ee Costa Rica: Navas; C Martinez, Calvo, Duarte, Oviedo; Tejeda, Bennette, G Torres; Borges, Contreras, Campbell
Astaan Sports