Xaqiiqooyinkii laga qoray kulankii u dhexeeyay xulalka Groatia & Morocco
Xulalka Groatia & Morocco ayaa isku mari waayay barbaro goolal la’aan ah cayaar ka tirsanayd guruub F kulankooda koowaad.
Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa xaqiiqooyinka laga qoray cayaartan:-
>- labada xul kala sareynta Qiimaynta FIFA waxay ku kala jiraan boosaska kala ah Morocco (22), Croatia (12).
>- Luka Modric waa ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee u ciyaara xulka Croatia kulan koobka adduunka ah (37 sano iyo 75 maalmood
>-waa markii ugu horeysay ee Croatia ay ciyaarto Koobka Adduunka tan iyo markii ay finalka guuldarro kala kulmeen France 2018,
>-Morocco markii ugu dambeysay ee WC guul ka gaaraan waxay ahayd sanadkii 1998 xilligaas oo 3-0 ku garaaceen Scotland
>- Waa markii Lixaad Marroco ay ka qaybgaleyso sanadkan Koobka Adduunka ee FIFA.
Xiligooda ugu wanaagsanaa waxay ahayd 1986, markaasoo ay noqdeen xulkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee ku dhameysta kaalinta koowaad ee cayaaraha Group-ka Koobka Adduunka.
>- Morocco ayaa u soo baxday Koobka Adduunka ee FIFA lix jeer oo kala ah 1970, 1986, 1994, 1998, 2018 iyo 2022.
>-Croatia ayaa ka soo muuqatay Koobka Adduunka ee FIFA lix jeer (1998, 2002, 2006, 2014, 2018 iyo 2022) tan iyo markii ay xornimada ay qaateen 1991. Intaa ka hor, intii u dhexeysay 1930 ilaa 1990 Croatia waxay ka tirsanayd Yugoslavia.
Xiligooda ugu wanaagsanaa waxay gaareen finalka WC 2018, markaasoo 4-2 guuldarro kala kulmeyn Farance.
>-Croatia oo la cayaartay saddex kulan xulalka Afrika WC ayaa badisay labo kulan hal kulane barbaro ayey la gashay xulalka Africa isku cel celis ahaan 6-0 (4-0 Cameroon 2014 iyo 2-0 Nigeria 2018 iyo 0-0 Morroco 2022)
Astaansports