2022 FIFA World Cup

XAQIIQOOYIN AAD U BAAHAN TAHAY INAAD OGAATO KA HOR KULANKA CAAWA DHEXMARI DOONA XULALKA FRANCE & DENMARK EE KOOBKA ADDUUNKA

France ayaa rajeyneysa inay ka fogaato guuldarradii saddexaad ee ka soo gaarta Denmark isla sanadkaan maadaama labadii kulan ee u dambeeyay ay wajahaan Denmark ay guuldarro kala kulmeen cayaarahaasi oo ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.

Kooxda Didier Deschamps oo hoggaanka u heysa Group D, waxaana ay u gudbi doonaan wareega 16-ka haddii ay caawa ka adkaadan xulka Denmark.

Macalinka xulka Qaranka France ee Deschamps oo ka hadlay cayaartan ayaa yiri: “Muddo afar bilood ah oo ayey laba jeer nagu garaaceen tartanka UEFA Nations League waa inaan hubinaa in taasi aysan dhicin mar kale.

“Sababtoo ah waan naqaanaa ciyaartoyda Danish-ka, wayna na yaqaanaan, waxay bedeli karaan natiijada cayaarta taasina waxay nagu keeni  kartaa dhibaatooyin waa inaan ka taxadarnaa.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Macallinka France ee Deschamps.

Kabtanka xulka qaranka France ahna goolhayaha kooxda Tottenham ee Hugo Lloris ayaa sheegay in koobka Adduunka ee ka socda Qatar uu yahay tartan ka duwan kuwii hore, wuxuuna intaa ku daray in guuldarrooyinkii sanadkan ka soo gaaray ay muujinayso awoodda Denmark.

Kooxda difaacanaysa koobka adduunka waligeed saddex jeer lagama badin hal sano gudihiiis, laakiin Lloris ayaa ka digay in Denmark in ay awooddo inay garaacdo kuwa ugu fiican.

“Waa inaan ogaano kooxdan Danish-ka ah inay tahay koox weyn uma baahnin dhiirigelin dheeraad ah, si buuxda ayaan ula soconaa muhiimadda”.

“Waan ognahay inay noqon doonto ciyaar muhiim u ah soo bixitaanka wareegga 16-ka, koox walba waxay ku sugan tahay meel wanaagsan jir ahaan iyo ciyaartoy ahaanba, waan ognahay inay noqon doonto caqabad weyn waana inaan diyaar u noqonnaa.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay kabtanka France ee Hugo Lloris.

Haddaba imisa jeer ayey ku kulmeen labada xul ee France & Denmark koobka Adduunka?

Labad xul ayaa ku kulmay koobka Adduun saddex jeer min hal kulan ayey kala adkaadeen, hal kulana barbaro goolal la’aan ayey galeen dhammaan kulamadaasi waa heerka guruubyada Koobka adduunka.

Markii ugu horreysay waxay ku kulmeen 24 Jun 1998 waxaana 2-1 ku adkaatay France.

Markii labaad ay ku kulmaan waxay ahayd 11 June 2002 waxaana 2-0 ku adkaatay Denmark

Markii ugu dambeysay ee koob Adduun ku kulmaan waxay ahayd 26 Jun 2018 cayaartaas ayaana ku dhammaatay barbaro goolal la,aan ah 0-0.

Wararka labada Xul

Daafaca kooxda Bayern Munich iyo France Lucas Hernandez ayaa dhaawac ka soo gaaray seedaha kulankii ay guusha ka gaareen Australia Talaadadii, waxaana uu ka maqnaan doonaa inta ka harsan koobka adduunka.

Waxaa lagu beddelay walaalkiisa Theo Hernandez, halka daafaca dhexe ee Manchester United Raphael Varane uu taam u yahay inuu ku soo bilowdo.

Garabka xulka France Kingsley Coman ayaa ka sheeganaya xanuun sinta ah waxaana laga yaabaa in la nasiyo maadaama uu wadan waayay tababarkii shalay oo jimco ahayd.

Dhanka xulka Denmark kaliya waxaa cayaartan dhaawac ku seegi doona cayaaryahanka khadka dhexe ee Thomas Delaney kaas oo laga saaray cayaarta kaddib markii uu dhaawac jilibka ah ka soo gaaray kulankii ay barbaraha goolal la’aanta ah la galeen Tunisia.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka D.

Xulalka:  France vs Denmark

Garoonka: Al Janoub Stadium

Garsooraha: Daniel Siebert (Germany)

Taariikhda: 26 Novembar 2022.

Saacadda: 7:00 Fiidnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan caawa labada xul:-

Shaxda macquulka ah ee France: Lloris; Kounde, Varane, Upamecano, T. Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud.

Shaxda macquulka ah ee Denmark: Schmeichel; Andersen, Christensen, Kjaer; Kristensen, Hojbjerg, Eriksen, Maehle; Skov Olsen, Dolberg, Damsgaard

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button