2022 FIFA World Cup

Horudhac: Japan vs Costa Rica… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulankan)

Xulka qaranka Japan oo haysta guushii cajiibka ahayd oo ay ka soo gaareen Jarmalka ayaa maanta madaxa gelinaya xulka Costa Rica kulankooda labaad ee heerka guruubyada Koobka Adduunka.

Kabtanka xulka qaranka Japan ee Maya Yoshida ayaa sheegay inay u baahan yihiin inay ku celiyaan guushii layaabka lahayd oo ay ka gaareen Jarmalka, marka ay maanta oo Axad ah wajahayaan Costa Rica.

Guushii 2-1 ka ahayd oo ay Jarmalka ka soo gaareen ayaa uga dhigan Japan in haddii ay garaacaan Costa Rica ay si toos ah ugu soo bixi doonaan wareegga 16-ka Koobka Adduunka, iyadoo dhanka kalena ay isku dheggan yihiin guruubkan xulalka Spain iyo Germany oo caawa wada ciyaaraya.

Haddii ay adkaadaan Japan waxa ay noqon doontaa markii afaraad ee todobadii koob Adduun ee ugu dambeeyey oo xulal ka socda Asia ay u gudbaan wareegga 16-ka Koobka Adduunka.

Kabtan Yoshida waxa uu aaminsan yahay in Costa Rica oo kulankoodii furitaanka koobka Adduunka sanadkan 7-0 guuldarro ah kala kulmay Spian inay dhab ahaantii dagaallami doonaan ciyaartan.

Wararka labada xul:-

Takuma Asano oo dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii September ayaa shaki laga gelinayay inuu wajaho Germany kulankii hore, laakiin waxa uu ahaa geesiga ciyaartaas isaga ayaana gool ka dhaliyay Jarmalka, waxaana la filayaa inuu hoggaamin doono weerarka xulkiisa kulanka ay ka maanta ka horjeedaan Costa Rica.

Hiroki Sakai oo dhaawac lagu saaray 15’daqiiqo kulankii hore ayaa shaki weyn laga galinayaa kulankan, waxaana la filayaa inuu booskiisa ku soo bilaaban karo Takehiro Tomiyasu.

Dhinaca kale ma jiro wax dhaawacyo ah oo ay ka walwal qabaan xulka Costa Rica kulanka ay la leeyihiin maanta dhiggooda Japan.

Xaqiiqooyinka kulankan:-

  • Japan waligood lagama badin afar kulan oo ay hore ula ciyaareen Costa Rica tartammada oo dhan, waxayna ka haystaan 3 guul iyo 1 barbaro, iyagoo ka dhaliyay saddex gool dhammaan saddexdii guul ee ay ka gaareen.

  • Costa Rica ayaa kulanka kaliya oo ay horay uga adkaadeen koobka Adduunka xul ka socda Asia waxa uu ahaa midkii ay garaaceen Shiinaha oo ay uga adkaadeen 2-0 koobkii Adduunka ee 2002.

  • Kaddib markii ay 2-1 ku soo garaaceen Jarmalka, Japan waxa ay indhaha ku haysaa inay guulo xiriir ah ka gaarto Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2002, markaasoo labo guul oo xiriir ah ay ka qaateen xulalka Russia iyo Tunisia, laakiin waligood Japan ma adkaanin labadoodka kulan ee ugu horreeya hal koob adduun maanta ayayse doonayaan inay badiyaan.

  • Xulka Costa Rica oo kulankoodii furitaanka koobka Adduunka guuldarro 7-0 ah ka soo qaatay Spain ayaa laga dhaliyey kulankaas goolal ka badan marka la isku geeyo siddeedii kulan ee la soo dhaafay oo ay tartankan ciyaareen.

  • Tan iyo markii ay garaaceen Uruguay iyo Italy heerkii guruubyada ee 2014, Costa Rica wax guul ah ma gaarin todobadii kulan oo ay ciyaareen koobka Adduunka markaas kaddib, waxaana ay la kulmeen 4 barbaro iyo 3 guuldarro, iyagoo xitaa ku guuldarreystay inay gool dhaliyaan shan ka mid ah kulammadaas.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka E.

Xulalka: Japan vs Costa Rica.

Garoonka: Ahmed bin Ali Stadium.

Garsooraha: Michael Oliver (England).

Taariikhda: 27 Novembar 2022.

Saacadda: 1:00 Duhurnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Japan: Gonda; Tomiyasu, Itakura, Yoshida, Nagatomo; Endo, Tanaka; Ito, Kamada, Kubo; Asano.

Costa Rica: Navas; Waston, Calvo, Duarte, Oviedo; Tejeda, Borges; Bennette, Fuller; Campbell, Contreras.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button