2022 FIFA World Cup

Croatia vs Belgium & Canada vs Morocco – Guruubka F ee Koobka Adduunka oo maanta la soo gabagabaynayo

Waxaa caawa la soo gabagabaynayaa Guruubka F ee Koobka Adduunka, iyadoo ay kulamadooda ugu dambeeya ee guruubkooda ay ciyaarayaan xulalka Croatia vs Belgium & Canada vs Morocco.

Xulka kaalinta labaad kaga jira xulalka ugu fiican Adduunka ee Belgium ayaa 1-0 uga soo adkaaday Canada kulankoodii ugu horreeyey sanadkan ee Koobka Adduunka, ka hor inta aysan guuldarro kala kulmin Morocco.

Xulka Belgium ayaa gaaray ugu yaraan afar dhammaadka mid kasta oo ka mid ah afartii tartan ee ugu waa weynaa oo ay ka qeyb-galeen, waxaana ay kaalinta saddexaad ka galeen Koobkii Adduunka ee 2018.

Xulka The Red Devils lagu naynaaso ee Belgium ayaa guul ay gaaraan caawa waxa ay ku xaqiijisan doonaan inay u soo gudbeen wareegga 16-ka Koobka Adduunka, balse barbaro ayaa kaga filnaan doona inay 16-ka gaaraan xulka Croatia ee kaalinta labaad ka galay koobkii Adduunka ee 2018, kuwaasoo 4-1 ku garaacay Canada kulankoodii ugu dambeeyey.

Xaqiiqooyinka kulanka Croatia vs Belgium:-

  • Xulka qarnaka Belgium ayaa guul gaaray labadiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu la ciyaaray Croatia, iyadoo Romelu Lukaku uu dhaliyey dhammaan saddexdii gool ee guulahaas ay ku gaareen.

  • Waxay gaareen Belgium ugu yaraan afar dhammaadka mid kasta oo ka mid ah afartii tartan waa weynaa ee ugu dambeeyey oo ay ka qeyb-galeen.

  • Croatia ayaa kaliya labo jeer duuldarreystay 10-kiisii kulan ee uu la ciyaaray xulal ka socda Yurub Koobka Adduunka, waxaana uu ka haystaa 6 Guul iyo 2 barbaro, labadaas guuldarro waxa ay yimaadeen iyagoo la ciyaarayay xulka qaranka France, waana afar dhammaadkii Koobkii Adduunka 1998-kii iyo final-kii koobka Adduunka 2018.

  • Guuldarrada kaliya ee soo gaartay Croatia 18-kii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen tartammada oo dhan, waxay ahayd guuldarro 3-0 ah oo ka soo gaartay bishii June xulka Austria tartanka Nations League, waxaana ay haystaan 12 guul iyo 5 barbaro muddadaas.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka F.

Xulalka: Croatia vs Belgium.

Garoonka: Ahmed bin Ali Stadium.

Garsooraha: Anthony Taylor (England).

Taariikhda: 01 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Croatia: Livakovic; Juranovic, Lovren, Gvardiol, Sosa; Modric, Brozovic, Kovacic; Kramaric, Livaja, Perisic.

Belgium: Courtois; Castagne, Alderweireld, Vertonghen; Meunier, Tielemans, Witsel, Carrasco; De Bruyne, E. Hazard; Batshuayi.

Canada vs Morocco

Dhinaca kale kaddib markii ay 2-0 uga soo adkaadeen Belgium, xulka qaranka Morocco ayaa u baahan hal dhibic oo qura inay la yimaadaan kulanka caawa si ay ugu soo baxaan wareegga 16-ka Koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1986.

Waxa ay nasiib ku leeyihiin Morocco waxa ay kulankooda ugu dambeeya guruubkooda wajahayaan xulka Canada oo goor horeba xaqiijiyey inuu isaga haray koobka adduunka kaddib guuldarrooyin isxigay oo ay kala kulmeen Belgium iyo Croatia.

Xulka Canada ayaa wali sugaya inuu dhibicdiisii ugu horreysay ka helo koobka Adduunka, iyadoo la xusuusto in laga adkaaday dhammaan saddexdii kulan oo ay ciyaareen heerka guruubka ee tartankan sanadkii 1986-kii.

Xaqiiqooyinka kulanka Canada vs Morocco

  • Kani waa kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah oo dhexma xulalka Canada iyo Morocco.

  • Canada ayaa laga yaabaa inay barbareyso rikoorkii El Salvador oo ahaa inay guuldarreysteen dhammaan lixdoodii kulan ee ugu horreeyey oo ay ciyaareen Koob Adduun.

  • Xulka Canada ayaa laga yaabaa inay laga adkaado saddex kulan oo xiriir ah markeedii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2016-kii.

  • Morocco waxa ay u baahan tahay kaliya hal dhibic si ay ugu soo baxdo wareegga bugbax ama 16-ka Koobka Adduunka markii ugu horreysay muddo 36-sano ah kaddib.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Guruubka F.

Xulalka: Canada vs Morocco.

Garoonka: Al Thumama Stadium.

Garsooraha: Raphael Claus (Brazil).

Taariikhda: 01 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Canada: St. Clair; Johnston, Steven Vitoria, Miller, Adekugbe; Buchanan, Kone, Eustaquio, Hoilett; Davies, David.

Morocco: Bounou; Hakimi, Aguerd, Saiss, Mazraoui; Amrabat, Ounahi, Amallah; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button