2022 FIFA World Cup

Tababare Didier Deschamps oo ammaanay Robert Lewandowski ka hor kulankooda habeen dambe ee koobka adduunka

Tababare Didier Deschamps ayaa sheegay in Robert Lewandowski uu 34-sano jir ah uu yahay mid ka mid ah weeraryahannad augu fiican Adduunka, iyadoo xulka qaranka Faransiiska uu isku diyaarinayo inuu wajaho Poland wareegga 16-ka Koobka Adduunka berri oo Axad ah.

Tan iyo markii uu suuqii xagaaga 45 milyan oo euro ugu soo biiray Barcelona, ​​xiddigii hore ee Bayern Munich ayaa dhaliyay 18 gool 19 kulan oo uu u saftay kooxda ka ciyaarta horyaalka La Liga.

Lewandowski ayaa sidoo kale dhaliyay hal gool, mid kalena dhiibay intii lagu guda jiray wareegga guruubyada tartanka koobka Adduunka, iyadoo uu qeyb muhiim ah ka ah xulkiisa Poland, Tababare Deschamps ayaa wax laga waydiiyay tayada weeraryahanka kaddib shirkii jaraa’id ee uu qabtay ka hor ciyaarta labada xul.

“Waa mid ka mid ah lambarka 9-aad ee ugu fiican Adduunka, waxa uu qeyb muhiim ah ka yahay xulkiisa, laakiin weli waxa ay yihiin koox wadareed, waa xul ku raaxaysanaya difaacasho iyo isku xirnaan, Lewandowski farqi ayuu sameyn karaa waqti kasta.” ayuu Didier Deschamps ku sheegay shirka jaraa’id.

Xulka Poland ayaa si dirqi ah ugu soo baxday wareegga 16-ka Koobka Adduunka, waxaana ay kaliya farqiga goolasha kaga soo baxeen Mexico, halka xulka France uu ku dhammaystay halka ugu sarreysa guruubkiisa, inkastoo ay guuldarro kala kulmeen Tunisia kulankoodii ugu dambeeyey.

Lewandowski ayaa wajihi doona xulka qaranka Faransiiska oo ku qalabaysan Kylian Mbappé oo 23-sano jir ah, kaasoo weeraryahanka Poland uu la kulmay bishii May sida uu warinayo Wargeyska Le Parisien.

Mbappé ayaa isku dayay inuu ku qanciyo weeraryahankii hore ee kooxda Bayern Munich inuu ku soo biiro naadiga PSG, laakiin ma aysan dhicin.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button