2022 FIFA World Cup

Morocco vs Spain… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka maanta ee 16-ka Koobka Adduunka)

Kulan ku tirsan kuwa ugu dambeeya wareegga 16-ka Koobka Adduunka 2022 ayaa maqribnimada maanta oo Talaado ah ka dhacaya garoonka Education City, waxaana halkaas ku wada ciyaari doona Morocco iyo Spain.

Xulka La Roja ayaa ku dhammaystay kaalinta labaad ee Guruubka E waxaana uu wajahayaa xulka ka socda qaaradda Afrika ee Morocco kuwaasoo kaalinta koowaad kaga soo baxay Guruubka F oo ay kula jireen Croatia iyo Belgium.

Wareegga 16-ka Koobka Adduunka 2022 ayaa maanta la soo gabagabaynayaa, Morocco oo ah dalka kaliya ee qaaradda Afrika ku metelaya haatan 16-ka tartankan ayaa doonaya inuu guul ka helo Spain oo uu gaaro wareegga xiga ee tartankan.

Xulka Spain oo bandhig wacan ka sameynaya Koobka Adduunka ayaa dhankiisa doonaya inuu ka mid noqdo xulalka ka socda Yurub ee gaaray siddeed dhammaadka Koobka Adduunka 2022.

Wararka labada xul:

Enrique ayaa sheegay inuu haysto saf buuxda oo ka kooban 26 ciyaartoy oo uu kala duwan oo uu ka soo dooran karo shaxdiisa, kaddib markii uu Cesar Azpilicueta ka soo kabsaday jugtii soo gaartay kulankii ay wajaheen Japan.

Xulka Morocco ayaa sidoo kale haysta saf taam ah iyadoo aysan jirin wax ciyaartoy ah oo kulankan dhaawac uga maqan.

Hakimi oo ka tirsan Morocco ayaa u badan tahay inuu taam u yahay inuu ciyaaro kulankan kaddib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaaray anqowga.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

  • Xulka Spain ayaan waligood guuldarro la kulmin saddex kulan oo ay horay ula ciyaareen Morocco waxayna ka haystaan labo gool iyo hal barbaro, labadaas guul ayaana yimid labadii is-arag ee isreeb-reebkii koobkii adduunka ee 1962-kii, kulamadaas oo la ciyaaray November 1961-kii ayaana ku dhammaaday (1-0 away, 3-2 home).

  • Xulka Morocco ayaa ciyaaraya wareegga bugbaxa koobka Adduunka kaliya markoodii labaad, waxaana sidaan oo kale ay gaareen wareegga 16-ka Koobkii Adduunka ee sanadkii 1986-kii, markaasoo ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Germany.

  • Morocco waa guuldarro la’aan afartoodii kulan ee ugu dambeeyey oo ay ciyaareen Koobka Adduunka, waxaana ay haystaan labo guul iyo labo barbaro, xulka kaliya ee Afrikaanka ah ee shan kulan oo isku xiga aan wax guuldarro ah la kulmin koobka Adduunka waa Cameroon oo qaatay labo guul iyo saddex barbaro intii u dhexeysay 1982-kii ilaa 1990-kii.

  • Alvaro Morata ayaa shabaqa soo taabtay mid kasta oo ka mid ah saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu koobka Adduunka ciyaaray xulkiisa Spain, inkastoo uu wadar ahaan ciyaaray kaliya 126 daqiiqo kulamadaas, ciyaaryahanka kaliya ee afar kulan oo xiriir ah gool u dhaliyey xulka Spain Koobka Adduunka waa David Villa oo sidaasi sameeyey sanadkii 2010-kii.

Kulammada ay horay u soo wada ciyaareen labadan xul ee Morocco & Spain:-

Guud ahaan labadaan xul ayaa horay u kulmay saddex goor, laakiin xulka Morocco ayaan adkaanin hal kulan, xulka Spain waxa uu haystaa labo guul, halka kulanka kale ay barbaro galeen.

Markii ugu horreysay waxay isku arkeen labadan xul isreeb-reebka koobka Adduunka ee 1962-kii, waxaana ay wada ciyaaren 12-kii Novermber sanadkii 1961-kii markaasoo uu xulka Spain ku adkaaday 1-0.

Muddadaas saddexda kulan ah xulka Spain waxa uu dhaliyey 6 gool, halka xulka Morocco uu dhaliyey afar gool.

Saddexda kulanka iyo taariikhda ay ciyaareen labadan dal:-

November 12, 1961: Morocco 0-1 Spain (World Cup qualifying playoff)
November 23, 1961: Spain 3-2 Morocco (World Cup qualifying playoff)
June 25, 2018: Spain 2-2 Morocco (World Cup)

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.

Xulalka: Morocco & Spain.

Garoonka: Education City Stadium.

Garsooraha: Fernando Rapallini (Argentina).

Taariikhda: 06 December 2022.

Saacadda: 06:00 Maqribnimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Morocco : Bono; Hakimi, Saiss, Aguerd, Mazraoui; Ounahi, Amrabat, Sahiri; Ziyech, En-Nesyri, Boufal.

Spain: Simon; Carvajal, Rodri, Laporte, Alba; Pedri, Busquets, Gavi; Torres, Morata, Olmo.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button