2022 FIFA World Cup

Portugal vs Switzerland… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee 16-ka Koobka Adduunka)

Kulan ku tirsan kuwa ugu dambeeya wareegga 16-ka Koobka Adduunka 2022 ayaa caawa oo Talaado ah ka dhacaya garoonka Lusail Stadium, waxaana halkaas ku wada ciyaari doona xulalaka Portugal iyo Switzerland.

Tababaraha xulka Portugal Fernando Santos ayaa sheegay inuusan jecleysann Falcelinta Cristiano Ronaldo kulankii guuldarada ay ka soo gaartay South Korea Koobka Adduunka ciyaartii u dambeysay heerka guruubka.

Ronaldo ayaa la beddelay 65 daqiiqo waxaana uu sameeyay falcelin uusan jecleysan macalinka xulka qaranka Portugal Fernando Santos.

Santos ayaa diiday inuu ka hadlo wararka sheegaya in Ronaldo laga yaabo in uu waayo safka koowaad wareega 16-ka kulanka ay caawa la ciyaarayaan xulka qaranka Switzerland.

Tababaraha xulka qaranka Portugal ayaa sheegay iney diirada saari doonaan kulanka caawa ee la ciyaarayaan xulka qaranka Switzerland.

“Haa, ma aanan jeclaysan falcelintiisa ayuu intaa kudaray macalin Santos.

Ronaldo ayaa ku jiray xaalad aan wanaagsaneyn tan iyo markii uu bixiyay wareysi dhinacyo badan taabanayo uu kaga hadlay kooxdiisa hore ee Man United taas oo keentay iney soo dhammaatay waqtigiisa kooxda Man United

Kooxda Sacuudi Carabiya Al-Nassr ayaa durbadiiba dalab weyn u gudbisay saxiixa Ronaldo kaddib koobka Adduunka Qatar, halka kooxo kale ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan markii kooxdisa Manchester United ay joojisay hishiiska ay kula jirtay Ronaldo.

Xaqiiqooyinka ciyaarta:

Kani wuxuu noqon doonaa kulankii saddexaad ee dhexmara Portugal iyo Switzerland sanadkan 2022,  labada xul ayaa horey u kulmay labo kulan oo ka tirsan tartanka Uefa Nations League bishii June, Portugal ayaa 4-0 kaga badisay Switzerland, kulankii ay ku ciyaareen Lisbon ka hor inta aysan Switzerland ku garaacin Portugal 1-0 ciyaar ka dhacday caasimadda Geneva ee Switzerland  asbuuc kaddib.

Portugal ayaa raadineysa inay gaarto wareegga sideed dhammaadka Koobka Adduunka markii saddexaad, taasoo ay horay u sameysay 1966,  iyo 2006, waxay marxaladan oo kale ay guuldarro ka soo gaartay sanadkii 2010 oo 1-0 guuldarro ah kala kulmeen xulka  Spain iyo 2018-kii oo guuldarro 2-1 ka soo gaartay xulka Uruguay.

Switzerland ayaa guuleysatay labo ka mid ah kulamadooda wareega group-yada koobka adduunka 2022, hase yeeshee waxay guuldarro 1-0 kala kulmeen xulka Brazil, waxaana ay raadineysaa Switzerland inay seddex kulan guul gaarto markii ugu horreysay koobka Adduunka taariikhdooda.

Dhamaan sideed ka mid ah goolasha Koobka Adduunka ee Cristiano Ronaldo ayaa yimid wareegga group-yada ee tartanka, Messi iyo Ronaldo oo ka mid ah ciyaartoyda ugu badan ee gool ka dhaliyay koobka Adduunka, ayaa marka laga soo tago Messi oo habeen hore gool ka dhaliyay heerka Bug-baxa koobka Adduunka, Ronaldo waxa uu raadinyaaa inuu dhalliyo goolkiisa koowaad ee heerka Bug-baxa inkastoo Portugal u u ciyaaray mid kastoo ka mid ah saddex kulan oo heerkan ah haddane wuxuu sameeyay 25 iskuday uu gool ku raadinayo hase yeeshee muusan dhallin.

Ogeysiiska ciyaarta:-

Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga 16-ka.

Xulalka: Portugal & Switzerland.

Garoonka: Lusail Stadium

Garsooraha: Cesar Ramos (Mexico)

Taariikhda: 06 December 2022.

Saacadda: 10:00 habeenimo xilliga geeska Afrika.

Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-

Portugal : Costa; Dalot, Pepe, Dias, Cancelo; B. Silva, Neves, Carvalho; Fernandes; Felix, Ronaldo

Switzerland: Simon; Carvajal, Rodri, Laporte, Alba; Pedri, Busquets, Gavi; Torres, Morata, Olmo.

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button