France vs England… (Xaqiiqooyinka aad u baahan tahay inaad ogaato ka hor kulanka caawa ee siddeed dhammaadka Koobka Adduunka)
Waa kulankii ugu adkaa ee xulka Engladn uu macalinka u yahay Gareth Southgate ee wajahan xulka difaacanayo koobka Adduunka ee France oo kamid ah xulalka ugu wanagsan ee iskugu soo haray wareegga afar dhammaadka koobka Adduunka ee Qatar 2022.
Ciyaartan u dhexeyso labada xul ayaa noqon doonta mid taariikhi ah, waa markii ugu horreysay ay labada xul ku kulmaan kulan bug-bax ah tartan kasta, waana markii ugu horreysay ee Koobka Adduunka tan iyo 1982-kii.
England ilaa iyo hadda waxa ay dhaliyeen 12 gool, halka France ay dhaliyeen 9-gool.
Labada tababare ee Southgate iyo Didier Deschamps ayaa fikirkooda ka dhiibtay ka hor kulanka.
Tababare Southgate oo England ku hoggaamiyay semi-finalka koobkii Adduunka 2018-kii ka hor inta aan laga qaadin finalkii Euro 2020 ee la ciyaareen xulka Italy ayaa sheegay in khibradahaasi ay caawin doonaan iney gaaraan wareegga afar dhammaadka koobka Adduunka.
“Marka la eego waaya-aragnimadeenna, kulammadaasi waxay naga caawin doonaan inaan guulaysano” ayuu yiri Southgate.
“Waxaan diirada saari doonaa inaan xulka France kula dagaalanno booskaas semi-finalka.”
Dhanka kale kabtanka xulka Qaranka England Harry Kane, ayaa sheegay iney rajo wanaagsan ka qabaan iney u gudbi doonaan wareegga afar dhammaadka sida ay hore u sameeyeen sanadkii u dambeeyay ee koobka Adduunka 2018-kii.
“Waxaan gaarnay afar dhammaadka waan guuldareysanay laakiin waxay inoo ahayd waayo-aragnimo cusub in badan oo naga mid ah,” ayuu yiri Kane.
“Waxaan tartankan galnay annagoo rajaynayna oo aaminsan inaan ku guuleysan karno, waa inaan gaarnaa heerkii aan filaynay inaan gaarno, haddana waa inaan isku dayno inaan sii wadno.” ayuu yiri kane.
Mar wax laga weydiiyay macalinka xulka France awooda England wuxuu yiri Didier Deschamps daciif ma ahan England waa xul adag oo u soo diyaar garoway koobka Adduunka.
“England aad ayay ugu xoogan yihiin waxay dhaliyeen goolal badan iyaga oo qaaday weeraro rogaal celis ah oo deg deg ah, sidoo kale waxa ay leeyihiin tayo kale oo badan marka loo eego awooda farsamada, awooda ay goolal ku dhalin karaan iyo in ay khatar ku yihiin shaxdeena.
Daafaca France Jules Kounde iyo xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni labadooduba haddii ay qaataan kaarka digniinta waxay seegi doonaan semi-finalka waa haddii ay ka soo gudbaan England Tababare Deschamps ayaa laga sugi doonaa go’aanka inuu ku soo bilaabi doona iyo in kale.
Wararka labada xul:
Tababaraha xulka England Southgate waxa uu haystaa 25 ciyaartoy uu u soo xusho kulanka France kaddib markii weeraryahanka Raheem Sterling uu ku laabtay Qatar khamiistii wuxuuna tababar la qaadanayaa xulka intiisa kale.
Ciyaaryahanka khadka dhexe Declan Rice, ayaa xunuun ku seegay tababarka xulka Engladn Arbacadii, waxaana jiro walaac laga qabo inuu ciyaaro kulankan wallow go’aanka uu ku ciyaari karo uu leeyahay macalin Southgate .
France ayay u badan tahay inaysan waxba iska beddelin safkii ay ku soo galeen wareegga 16-ka kulankii ay la ciyaareen xulka Poland, iyadoo Mbappe uu ku soo laabtay tababarka kaddib markii la siiyay nasiino Talaadadii.
Xaqiiqooyinka kulanka:
England ayaa guul ka gaartay labadii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay France koobka adduunka.
Guuldaradii ugu dambeysay ee France soo gaarta waxay soo gaartay sanadkii 2015-kii wixii markaas ka dambeeyay wax guuldarro ah kalama kulmin kooxaha Yurub.
England ayaa laga ciribtiray koobka Adduunka lix ka mid siddeedii jeer ee ugu dambeysay heerkan.
Gareth Southgate ayaa noqon kara tababarihii ugu horreeyay ee laba koob Adduun oo isku xigta gaaro semi-finalka hadii uu garaaco xulka France.
Ogeysiiska ciyaarta:-
Tartanka: Koobka Adduunka 2022 – Wareegga siddeed dhammaadka.
Xulalka: France & England.
Garoonka: Al Bayt Stadium
Garsooraha: Wilton Sampaio (Brazil)
Taariikhda: 10 December 2022.
Saacadda: 10:00 Habeenimo xilliga geeska Afrika.
Safafka suurogalka ah oo ay ku soo geli karaan maanta labada xul:-
France : Lloris; Kounde, Varane, Upamecano, T. Hernandez; Tchouameni, Rabiot; Dembele, Griezmann, Mbappe; Giroud
England: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Bellingham, Rice, Henderson; Saka, Kane, Foden
Astaan Sports