SAWIRRO: Kooxaha ka qeyb-galaya tartanka waaxaha degmada Xamar Jajab oo qalab isboorti la guddoonsiiyey.

Waxaa la sameeyay isku-aadka tartanka waaxaha degmada xamar Jajab oo lagu qabtay xarunta degmada.
Waxaa ka soo qaybgalay xafladan maamulka degmada xamar jajab oo ugu horreeyo Guddoomiyaha degmada Ismaaciil Maxamed Xuseen, Guddoomiye ku xiggeenka degmada Maxamuud Cali Xasan ,Guddoomiyaha ururka haweenka degmada Ismahaan Xasan iyo dhammaan guddoomiyaasha ka socday waaxaha degmada Xamar Jajab.
Ka hor inta aan la sameyn isku-aadka tartanka waaxaha degmada xamar jajab waxaa la qaybiyay agabkii ay ku ciyaari lahaayeen afarta waaxood ee kala ah Gaheyr, Horseed, 1-da May iyo General Daa’uud.
Tartanka sannadkan waxaa ka qaybgalaya siddeed kooxood oo laga soo xulay afarta waaxood ee degmada xamar jajab.
Guddooyaha ciyaaraha degmada Daadir Amiin ayaa uga mahadceliyay maamulka degmada bixinta agabka ciyaaraha ee isugu jiray maaliyadaha iyo kabaha oo ay ku ciyaari lahaayeen tartanka dhammaan waaxaha ayaa ku tilmaamay in ay tahay talaabo hormar leh oo hore loo qaaday.
Si kastaba tartankan waaxaha degmada xamar jajab ma’ahan markii ugu horreysay oo loo qabto afarta waaxood ee degmadu ka kooban tahay ee waxa uu ahaa mid la qaban jiray sanadihii la soo dhaafay.








