Kooxaha xiddigaha ugu badan ku leh afar dhammaadka Koobka Adduunka ee 2022

Koobka Adduunka ee ka soconaya dalka Qatar ayaa gabagabo ku dhow, waxaana haatan isugu soo haray afar xul oo kala ah Morocco, France, Argentina iyo Croatia.
Haddaba waxaan halkaan hoose ku eegaynaa kooxaha kubadda cagta ee xiddigaha ugu badan ku leh afar dhammaadka ama Semi-finalka Koobka Adduunka ee 2022.
Bayern Munich ayaa ah kooxda sida dhow ula socon doonta wareegga Semi-final-ka koobka adduunka 2022, maadaama ay xiddigaha ugu badan ku leedahay afar dhammaadka koobka adduunka sanadkan.
Naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich ayaa ku leh lix laacib afar dhammaadka koobka adduunka, waxaa ku soo xiga kooxaha Atletico Madrid iyo Sevilla ayaa ku leh min shan laacib.
Kooxaha Real Madrid iyo Dinamo Zagreb ayaa ku leh wareegga Semi-final-ka koobka adduunka min afar xiddig, halka Juventus, PSG, Tottenham iyo Wydad ay min saddex xiddig ku leeyihiin.
Kooxo ay ku jiraan Chelsea, Manchester United, Barcelona & Inter Milan ayaa dhankooda ku leh kaliya labo ciyaaryahan.

Astaan Sports




