2022 FIFA World CupTartanka Dagmooyinka 2020Tartanka Degmooyinka 2023Uncategorized

Dhacdooyinkii laga diiwaangaliyay  kulankii u dhexeeyay Dharkenley V Balcad T/Degmooyinka.

*Degmada dharkenley ayaa gaartay guushii ugu horeysay guruubka A kulankoodii furitaanka tartanka Degmooyinka
 
 
*Weeraryahanka degmada Dharkenley Maxamed Cabdi Iidow ayaa dhaliyay goolkii ugu horeeyay tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka banaadir 2023
 
 
*Maxamed Cabdi Iidow ayaa mar kale  dhaliyay goolkii labaad ee tartanka degmooyinka iyo deegaannada gobolka banaadir 2023 iyo goolkiisa labaad daqiiqadii 55ad
 
 
*Daafaca degmada dharkenley Jamaal Jeylaani Maxamed ayaa dhaliyay goolkii saddexaad ee tartanka iyo goolkiisa ugu horeeyay degmada Dharkenley
 
 
*Caawintii ugu horreysay waxaa sameeyay ciyaaryahanka no 26aad ee degmada dharkenley  Usaame Jamaal Saciid daqiiqadii 50aad
*Degmada dharkenley ayaa guul weyn ku furatay tartanka degmooyinka & deegaannada Gobolka banaadir, markii ugu horreysay la’aanta allaha u naxariistee taageerihii weynaa ee degmada dharkenley Saalax Faarax Jaamac
 
*Weeraryahanka degmada dharkenley Feysal Cabdiqaadir Maxamed ayaa noqday ciyaaryahanka kaliya ee ka haray safkii u  ciyaaray dharkenley sanadkii 2021-kii
*Goolhaye Jeylani Cali macow iyo kabtanka degmada Balcad Cali gaabane cabdulle ayaa markii labaad  kasoo muuqday tartanka Degmooyinka tan iyo 2020kii oo ahayd markii ugu horeysay ay ka soo muuqdan degmada Balcad
 
 
*Jaalihii ugu horreeyay ee kulanka waa la siiyay weeraryahanka No 34aad ee degmada dharkenley Maxamed Cabdi Iidow
 
 
*Jaalihii labaad ee degmada dharkenley waxaa la siiyay Goolhaye  Mukhtaar Maxamed Ibraahim  daqiiqadii 80ad
 
 
*Kaliya hal jaale ayey qaateen degmada Balcad waxaa la siiyay Guuleed cali cumar No 28ad daqiiqadii 75aad
 
 
*Macalin degmada dharkenley Cabaas ayaa guushii labaad ka gaaray degmada Balcad xirfadiisa macalinimo markii labaad uu ka hor yimaado tartanka degmooyinka iyo deegaanada gobolka banaadir 2020 wuxu macalin u ahaa degmada cabdicasiis.
 
 
*Garsooraha kulankan wuxuu ahaa Cabdifitax saciid Mire wadarta guud wuxuu bixiyay 3 kaar waxa uu labo kamid ah siiyay degmada Dharkenley halka Balcad loo diiwaangaliyay hal kaar oo jaale ah.
 
 
WQ/Daacad

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Check Also
Close
Back to top button