Man City oo kooxda Man United kula tartamaysa saxiixa daafac dhexe oo ka ciyaara dalka Talyaaniga
Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay kooxda Manchester United kula tartami doonto xagaagan saxiixa daafaca dhexe ee Napoli, Kim Min-jae.
Kaddib hal xilli ciyaareed oo uu Turkiga kula spoo qaatay kooxda Fenerbahce, 26-sano jirkaan ayaa Napoli ugu biiray xagaagii hore adduun dhan 15 milyan oo gini, isagoo u saxiixay qandaraas ku eg ilaa bisha June sanadka 2025.
Kim ayaa tan iyo markii uu noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda uu hoggaamiyo Tababare Luciano Spaletti waxa uu haatan qarka u saaran yihiin inay qaadaan horyaalkoodii ugu horreeyay ee Serie A muddo 33 sano ah.
Xiddiga xulka qaranka South Korea u saftay 47 kulan ayaa ka soo muuqday 40 kulan tartammada oo dhan kooxda Napoli, waxaana kulammadaas ku jira 30 kulan oo uu safka hore ugu soo billowday horyaalka Serie A iyo 9 kulan oo uu ku billowday tartanka Champions League.
Bandhigga cajiibka ah ee Kim uu ka sameynayo dalka Talyaaniga ayaa la fahamsan yahay inuu soo jiitay kooxaha Premier League, iyadoo Man United la warinayo inay miisaamayso suurto-galnimada ay xagaaga u dhaqaaqayso daafacan dhexe.
Liverpool iyo Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale la warinayaa inay xiiseynayaan saxiixa xiddigan, laakiin Wargeyska The Sun ayaa ku warramaya in Man City ay tahay kooxdii ugu dambeysay ee ku biirta tartanka loogu jiro saxiixiisa.
Tababaraha kooxda Citizens ee Pep Guardiola ayaa la rumeysan yahay inuu aad ula dhacsan yahay Kim, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo adduun dhan 45 milyan oo euro oo u dhiganta 40 milyan oo gini.
Dhinaca kale kooxda Napoli ayaa indhaha ku haysa inay sii haysato Kim suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaaga, laakiin daafaca dhexe ayaa la sheegay inuu laftiisu jaclaan lahaa inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League.
Si kastaba ha noqotee, kooxda Manchester City ayaa haatan diyaar u ah inay saxiixa Kim kula tartanto kooxda ay ka wada dhisan yihiin Magaalada Manchester ee Manchester United.
Astaan Sports