Rafael Leao oo diiday dalab uga yimid Chelsea iyo Real Madrid
Weerarryahanka kooxda AC Milan Rafael Leao ayaa lagu soo waramayaa inuu diiday dalabyo uga yimid kooxaha Chelsea iyo Real Madrid.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa dhaliyay 11 gool, waxaana uu caawiyay 10 gool 34 kulan oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore, taasoo ka caawisay AC Milan inay soo afjarto 15 sano oo ay sugeysay horyaalka Serie A.
Leao ayaa sii waday inuu door muhiim ah ka ciyaaro kooxdiisa xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 13 gool sidoo kale sameeyay 12 caawin 41 kulan uu u saftay kooxdiisa dhammaan tartamada.
Iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo June 2024, Leao qaab ciyaareedkiisa ayaa horseeday inay xiiseynayaan kooxo badan oo ka dhisan Yurub.
Chelsea iyo Real Madrid ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya, waxaana ay dhawaan wadahadal la yeesheen wakiilka ciyaaryahanka, Jorge Mendes.
Sida laga soo xigtay La Gazetta dello Sport, Rafael Leao ayaa go’aansaday inuu iska diido dalabyo uga yimid kooxaha Chelsea iyo Real Madrid kaddib markii ay wada hadleen wakiilada labada kooxood.
Warbixinta ayaa sheegeysa in Mendes uu haatan diirada saari doono sidii uu horey ugu socon lahaa wada xaajoodyada qandaraaska cusub ee AC Milan.
Mushaharka Leao lama filayo inuu noqdo mid ku xiran joogitaanka iyadoo AC Milan ay ku faraxsan tahay inay kordhiso mushaharkiisa oo hadda ah € 1.8m euro oo u dhiganta (£ 1.6m) oo gini, waxaana la gaarsiin doonaa ilaa € 7m oo uero sanadkii oo u dhiganta (£ 6.1m) sannadkii.
Si kastaba ha ahaatee, Rafael Leao ayaa isha ku haya inuu heshiis cusub la gaaro AC Milan, kaddib markii uu hore u sheegay inuu doonayo inuu sii joogo AC Milan.
Laacibkii hore ee Lille ayaa kooxdiisa ka caawiyay inay u gudubto semi-finalka Champions League, halkaasoo ay ku wajihi doonaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter Milan.
Leao ayaa dhaliyay labadii gool ee sabtidii ay 2-0 kaga badiyeen Lecce, waxaana uu isku diyaarinaya kulanka adag ee kooxdiisa AC Milan wajaheyso Roma kaas oo lagu go’aamin doono rajada afarta sare ee horyaalka Italy madaama labada kooxood ay isku dhibco yihiin.