2022 FIFA World Cup2022 FIFA World CupPremier LeagueWararka

Supercomputer oo saadaalin ka bixiyey kaalinta ay kooxda Liverpool ku dhammaysan doonto xilli ciyaareedkan

Supercomputer ayaa saadaaliyay kaalinta ay ku dhammaysan karto kooxda Liverpool iyo fursadaha Reds ee u soo bixitaankeeda Champions League kal ciyaareedka soo aaddan.

Kaddib markii ay kooxda Liverpool soo gashay kaalinta lixaad ee kala horreynta horyaalka Premier League kaddib markii ay gaartay saddex guulo oo isku xiga ayaa Supercomputer waxa uu saadaaliyey in Reds ay ku dhammaysan doonto kaalinta shanaad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Waxa uu Supercomputer sheegay in qiimeystiisa fursadaha u soo bixitaanka Liverpool Champions league ee xilli ciyaareedka dambe ay tahay kaliya 14%.

Kooxda Liverpool ayaa haatan todobo dhibcood ka dambeysa Man United oo ku jirta kaalinta 4-aad kaddib markii ay barbaro 2-2 ah la gashay Tottenham.

Reds ayaa haatan kalsooni badan haysata kaddib markii inta badan xiddigaheedu ay dib u heleen qaab ciyaareedkoodii cajiibka ah, isla markaana haatan waxa ay Liverpool galaysaa lixdeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka, iyadoo filanaysa inay guulo waa weyn ka soo hoyn doonto.

Haddaba kaalintee ayay kooxda Liverpool kaga dhammaysan doontaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan?

Astaan Sports

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button